Imran Khan oo la xiray iyo xiisad xoogan oo taagan

Islamabad (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan ayaa la xiray, sida ay booliisku sheegeen, wax yar kadib markii uu kasoo muuqaday maxkamadda, halkaas oo ay ka billaabaneysay dhageysiga mid ka mid ah kiisas dhowr ah oo lagu soo eedeeyay.

Muuqaal laga soo duubay gudaha maxkamadda sare ee Pakistan ayaa muujinayay tobannaan ka tirsan ciidamada ammaanka oo sitay qalabka rabshadaha looga hortago oo Khan ku riday gaari.

Xisbiga Khan ayaa ku baaqay dibad-baxyo looga soo horjeedo xariggiisa. “Dadka Pakistan, waa markii aad badbaadin lahaydeen dalkiinna, ma heli doontaan fursad kale,” ayaa lagu yiri qoraal lagu soo daabacay twitterka xisbiga Pakistan Tehreek-e-Insaf (PTI).

Qareen xisbiga PTI Ali Bukhari ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in jirdil lagu sameeyay Khan.

Xariga Khan ayaa kusoo beegmaya xilli dadka caadiga ah ee Pakistan ay la daalaa dhacayaan xaalad dhaqaale xumo tii ugu xumayd ee soo marta tobannaan sano, iyadoo sicir-barar heerkiisu sarreeyo.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Pakistan Rana Sanaullah ayaa u sheegay warfidiyeenka in Khan ay xireen Xafiiska la xisaabtanka Qaranka (NAB) kadib markii ka baaqday inuu horyimaado xaafiiska “inkasta oo ay jireen ogeysiisyo loo diray”.

AFP, Reuters.