Sawirro: Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka oo gaaray Sacuudi Carabiya + Ujeedka

Riyadh (Caasimada Online) – Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa gaaray dalka Sacuudiga, kadib casuumad rasmi ah oo uu ka helay dhigiiisa dalka Sacuudiga.

Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa booqashadiisan uu ku tegay dalka Sacuudiga ay qaadan doonto saddex maalmood ayaa waxa uu kulamo kala duwan la yeelan doonaa madaxda waddankaas, si gaar ahna dhiggiisa Xeer Ilaaliyaha Sacuudiga Saud Almejib.

Kulamada uu Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka uu la qaadanayo masuuliyiintaas ayaa ku qotomo iskaashiga iyo horumarinta xeer ilaalinta labada xafiis, wadaagga aqoonta iyo waaya-aragnimada labada dhinac.

Sidoo kale waxa uu Xeer ilaaliyaha guud uu booqan doonaa mudada uu joogo dalkaasi Sacuudiga, Xarunta dhexe ee Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud, Xarunta Ictidaal oo ah xarun lagula dagaalamo fikriga xagjirka ah iyo hay’adda hufnaanta iyo la-dagaalanka musuq-maasuqa.

Xarumaha uu booqan doono Xeer ilaaliyaha ayaa sidoo kale waxaa kamid ah hay’adda Forseniga dalka, maxkamaddaha kala duwan ee dalkaasi iyo Jaamacada Naayif ee caluumta amniga, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay safarka Xeer ilaaliyaha Guud ee dalka Sacuudiga.