DF Somalia oo shaacisay kiisas cusub iyo dhimasho la xiriirta CORONAVIRUS

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa warbixinteeda maalin laha ah galabta ku shaacisay kiisas cusub oo cudurka Coronavirus ah.

Wasaaradda ayaa maanta diiwaan gelisay 35-kiisa oo intooda badan laga helay gobolka Banaadir, sidoo kale Puntland iyo Somaliland ayaa laga diiwaan geliyey qeybo ka mid ah kiisaskan.

Gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay warbixinta wasaaradda in laga diiwaan geliyay 24 xaaladood, halka Puntland laga diiwaan geliyay 8-kiis, sidoo kale deegaanada Somaliland ayaa laga helay 3-kiis oo Coronavirus ah.

Hal qof ayaa 24-kii saac ee lasoo dhaafay xanuunkaas u geeriyooday Soomaaliya, sida ay shaacisay wasaaraddu, halka seddax kalena ay kasoo bogsadeen.

25 ka mid ah 35-ta qofood ee maanta cudurkaas laga helay waa rag, halka 10-ka kale ay dumar yihiin.

Tirada guud ee kiisaska cudurka Coronavirus gudaha Soomaaliya ayaa gaartay 1,089 xaaladood, bogsashada guud ayaa gaartay 121, halka dhimashada uu sababay xanuunkaas ay gaartay 52 qofood, inta la ogyahay.