Soomaaliya oo shuruud ku xirtay inay miiska wada-hadalka la fariisato Ethiopia

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa meesha ka saartay in la dhex-dhexaadiyo ayada iyo Itoobiya illaa Addis-Ababa ay ka laabato is-afgaradka ay la gashay Somaliland.

Xiisadda labada dal ayaa cirka gashay kadib markii dalka aan badda laheyn ee Itoobiya uu is-fagarad la galay Somaliland 1-dii Janaayo, kaasi oo siinaya marin badeed.

Taas beddelkeed, Somaliland oo si iskeed ah madax-banaani ugu dhowaaqday 1991-kii ayaa sheegtay in Itoobiya ay siin doonto aqoonsi rasmi ah. Tani si rasmi ah uma aysan xaqiijin Addis-Ababa.

“Ma jirto dhex-dhexaadin haddii aysan Itoobiya ka laaban is-afgaradkii sharci-darrada ahaa oo aysan dib u xaqiijin madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya,” ayaa lagu yiri bayaan ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Labada dal ayaa waxaa ka dhaxeeya taariikh xiriir oo jah-wareersan, waxaana qarnigii 20-aad dhex-maray laba dagaal.

Somaliland ayaa dhankeeda sheegtay in dowladda federaalka ay “si ula kac ah uga baxday dhammaan heshiisyadii ay la gashay Somaliland,” oo ay ku jiraan arrimaha ammaanka iyo marinada hawada.

Bayaanka Somaliland ayaa yimid kadib markii Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya ay sheegtay inay Arbacadii celisay diyaarad ay leedahay shirkadda Ethiopian Airlines oo ku socotay Hargeysa.

Hay’adda Duulista ayaa sidoo kale shalay inay hawada Soomaaliya soo gasho u diiday diyaarad xamuul oo ka timid magaalada Sharjah ee dalka Imaaraadka Carabta, taasi oo ku socota Hargeysa.