Xasan oo madaxda gobolka uga digay halis weyn oo damaca Itoobiya ka dhalan karta

Kampala (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriydda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta khudbad adag ka jeediyay shir madaxeedka 19-aad ee dalalka dhex-dhexaadka ah (NAM).

Shirkaan oo ka dhacay Kampala, ayaa waxa uu madaxweynaha uga digay hoggaamiyaasha dalalka isbaheysiga dhex-dhexaad ka ah khatarta ka dhalan karta damaca guracan ee Itoobiya, xilli ay meel xasaasi ah mareyso xiisadda labada dal.

Waxa uu si adag u soo bandhigay mowqifka dowladda federaalka Soomaaliya ee ku aaddan xad-gudubka dowladda Itoobiya iyo cawaaqib xumada uu keeni karo haddii aanan si wadajir ah looga fal-celin.

“Cawaaqib xumada ka dhalan karta is-afgaradkan waa wax aad looga xumaado mana ahan kaliya mid khatar ku ah madax-banaanida dhuleed ee Soomaaliya, Sidoo kale , waxa uu halis ku yahay xasilloonida gobolka waxuuna fursad cusub siinayaa argagixisada ka jirta gobolka,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Shirkaan oo sidoo kale uu ka qeyb-galay ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa madaxweyne Xasan uu markale ku muujiyay meesha adag ee dowladdiisa iyo shacabka Soomaaliyeed ka taagan yihiin in qeybo kamid ah baddeena la siiyo Itoobiya.

Xasan ayaa sidoo kale diiday in uu la kulmo Abiy Axmed, oo isagu si weyn u daneynaya in arrintaan uu kala wada-hadlo madaxweynaha, hase yeeshe taasi waxaa ku gacan seyray madaxweyne Xasan oo ka horyimid damaca guracan ee Abiy.

Si kastaba, Dowladda federaalka Soomaaliya oo burisay heshiis beenaadkii Addis Ababa, ayaa xilligaan dagaalka diblumaasiyadda kaga adkaatay Ethiopia, iyada oo taageero caalami ah u heshay mowqifka difaaca dhulkeeda.