DF Somalia oo si jees jees ah ugu jawaabtay codsi uga yimid Kenya

Hague (Caasimada Online) – Iyadoo ay weli soo baxayaan codsiyo dowlada Somalia kaga imaanaya dhanka dowlada Kenya, ayaa waxaa codsiyadaasi laalay dowlada Federaalka ah ee Somalia.

Dowlada Somalia oo ka jawaabeysa codsiga Kenya ee ku aadan dib uga laabashada Dacwada ayaa sheegtay in codsigaasi uu yahay mid aan khuseyn Somalia.

Dowladu waxa ay sheegtay in codsigaasi tixgalintiisa leyskala soo gudbay, isla markaana ay ku qanacsan tahay natiijooyinka kasoo yeeri doona Maxkamada wixii intaa ka horeeyana aysan ka laaban doonin dacwada.

Axmed Cali Daahir Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka, ayaa sheegay in dowlada Kenya ay la imaankarto codsi balse ay su’aashu tahay inay is weydiisu xiliga ay codsigeeda kusoo beegeyso.

Xeer ilaaliyuhu waxa uu sheegay in dhowr jeer ay isku dayeen xal u helida dacwada, balse dowlada Kenya ay sii fogeysay sidaa darteedna aysan aqbali doonin codsiga kaga imaanaya Kenya.

Waxa uu sheegay in Kenya aysan haysan Sharci Rasmi oo ay ku xaqiijinayaan Milkiyadda Badda Somalia, wuxuuna Xeer-ilaaliyuhu ku gacan sayray Codsiga ay Ergadda Kenya ka codsadeen Maxkamadda ICJ in dib loo ddhigo Dacwaddaasi, ilaa ay Somalia ka helayso Deganaansho buuxa.

Nuqul kamid ah hadalka Xeer ilaaliyaha ayaa ahaa ”Somalia marnaba kama laabanayso Dacwadaasi, mana ogolaan doono Codsiga Kenya ku doonayso inay Maxkmaadda ICJ dib u dhigaan Kiiskaasi”

”Codsiga Kenya waxba nagama khuseeyo waa mid iyaga u taal, anagu ka dowlad ahaan waxaa na khuseeya keliya ka salgaarida dacwada furan”

Dhinaca kale, Axmed Daahir waxa uu cod dheer ku sheegay in dowlada Kenya ay dhextaagan tahay walaac, waxa uuna rajo ka muujiyay guulaha kaga imaan doona dacwadaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com