Paul Reichler: Waa kuma qareenka matalaya Somalia ee horey uga adkaaday dalkiisa Mareykanka

Hague (Caasimada Online) – Kiiska badda Soomaaliya ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, waxaa dalka Soomaaliya matalaya qareeno dhowr ah oo u dhashay dalalka Mareykanka, Faransiiska iyo Britain.

Hase yeeshee qareenkaa ugu caansan, uguna magaca dheer ee Soomaaliya difaacaya waa Paul Reichler, oo u dhashay dalka Mareykanka.

Haddaba waa kuma Paul Reichler?

Bishii June 1986-kii, isaga oo ah 38 jir ayaa garyaqaankan Mareykanka ah waxa uu kiis kaga adkaaday dalkiisa hooyo ee Mareykanka, isaga oo caddeeyey in dalalka waa weyn aysan u awood sheegan karin kuwa yar yar.

Paul Reichler ayaa matalayey dalka Nicaragua oo ah dal sabool ah oo ku yaalla Latin America, kaasi oo maxkamad la koray dowladda Mareykanka, sababo la xiriira inay maal-gelineysay mucaaradka dalkaas ee kaso horjeeday dowladda.

Waxaa Nicaragua loo xukmiyey in la siiyo magdhow ah 370 milyan oo dollar, oo waqtigaas intan ka qiimo badneyd.

Paul Reichler oo fadhiya xafiiskiisa Washington DC
Paul Reichler oo fadhiya xafiiskiisa Washington DC

Paul Reichler waa mid ka mid ah qareenada loogu xushmadda badan yahay dunida, isaga oo haysta in ka badan 25 sano oo khibrad ah, oo uu matalayey dalalka dunida.

Waxa uu ka mid yahay koox yar oo qareenno ah oo looga dambeeyo matalaadda dalalka adduunka ee maxkamadda caalamiga ee cadaaladda ee Hague (Halka kiiska Soomaaliya iyo Kenya uu ka socdo) iyo maxkamadda caalamiga ah ee sharciga badaha ee magaalada Hamburg ee dalka Jarmalka.

Waxaa lagu naaneysaa “Surgooyaha kuwa Waa weyn”, sababo la xiriira kiisaska tirada badan ee uu kaga adkaaday dalalka quwadaha adduunka ka midka ah isaga oo matalaya dalal aad u yar ama sabool ah.

Guushiisii ugu dambeysay ee dal awood badan uu kaga adkaado waxay timid laba bil un ka hor markii uu ka adkaaday dalka Shiinha isaga oo matalayey dalka yar ee Philippines, oo Shiinaha uu ka xoogay badda la yiraahdo Badda Koonfurta China “South China Sea”.

Paul Reichler waa qareen aad loo xushmeeyo
Paul Reichler waa qareen aad loo xushmeeyo

Paul waxa uu ka tirsan yahay shirkadda toddobaatanka sano ka badan jirta ee dhinaca sharciga ee Foley Hoag ee xarunteedu tahay magaalada Washington DC.

Sanaddii 2012 waxa uu mar kale caawiyey dalka Nicaragua iyo sidoo kale dalka Bangladesh oo ku lug lahaa laba kiis oo la xiriiray dhinaca soohdinta badda.

Kiisaska dhinaca badda ee dalal badan uu ka caawiyey waxaa ka mid ah:-

1 – Waxa maxkamadda Hague ka hor matalay Nicaragua oo dood ay kala dhaxeysay Columbia (2007 – 2012

2 – Waxa uu maxkamadda caalamiga ah ee sharciga badaha ee magaalada Hamburg uu matalay Bangladesh oo kiis uu kala dhaxeeyey Myanmar (2009-2012).

3 – Waxa uu matalayaa hadda Croatia oo kiis uu kala dhaxeeyo Slovenia (2011-Illaa iminka).

4 – Philippines oo uu uga hor dooday Guddiga xeerka badaha ee QM isaga oo kasoo horjeeda China (2013-2016).

5 – Waxa uu sidoo kale matalayaa Ghana oo kiis uu kala dhaxeeyo Cote d’Ivoire (2014-illaa iminka).

6 – Mauritius oo uu matalay dacwad kala dhaxeysa United Kingdom (2011-2015); iyo dalalka kale oo dhowr ah.

Wargeyska American Lawyer ayaa ku naaneysa “Mr. World Court” ama ninkii maxkamadda adduunka, sababta oo ah waxa uu ku lug lee yahay lix ka mid 15-ka kiis ee u dhaxeeya dalalka adduunka ee waqtigan ka furan maxkamadaha caalamiga ah, kuna jiro kiiska uu matalayo Soomaaliya..

Waxa ay u muuqataa in kiiska Soomaaliya ee ka dhanka ah Kenya uu ku jiro gacan ammaan ah oo la isku haleyn karo.

Caasimada Online
Xafiiska London
caasimada@live.com