Sawirro: Kenya oo laga yaabo iney maxkamadda Hague tusto heshiis cusub oo ay dowladda Xasan Sheekh la gashay

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Kenya ayaa laga baqayaa iney maxkamada caalamiga ee Hogue ay kusoo bandhigto hishiis cusub oo dowlada Xasan Sheikh ay la gashay.

Hishiiskaasi oo wasiirada arimaha dibada labada dal ay ku kala saxiixdeen magaalada Addis Ababa ayaa dhigaya in waxii khilaafaad ah lagu dhameeyaan hab diblumaasiyadeed.

Hishiiskaasi mid lamid ah ayaa lagu kala saxiixday magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waana mid keeni kara in dacwada badda ee Holland uu dhaawacaa, maadaama laga saxiixday in wax walbaa lagu dhameeyaa wadahadal.

Hishiiskaan ayaa bishii labaad ee sanadkaan lagu kala saxiixday magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana ku qoran in arimaha diblumaasiyada iska kaashadaan labada dal, khilaaf kastana lagu dhameeyaa wadahadal.

1 heshiis_kenya-somalia