Xog: Maxaa looga hadlay kulankii CC, Gaas iyo odayaasha Puntland

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa saacadihii ugu danbeeyay magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland kullamo aan caadi aheyn kula qaatay Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas iyo Tirro Odayaal dhaqmeed ah oo loo soo xulay Sharmaarke.

Sharmaarke ayaa C/wali Gaas iyo Odayaasha u sheegay inuu kaga baahan yahay is garabtaag Siyaasadeed waxa uuna u cadeeyay inuu yahay Musharax la loolamaaya Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh oo doonaaya in mar kale uu xilka qabto.

Sharmaarke ayaa Madaxweynaha Puntland iyo Odayaasha lasoo soocoy u sheegay in ujeedka socdaalkiisa uu yahay mid qeyb ka ah ololihiisa waxa uuna u ballanqaaday inuu waxyaabo badan kala shaqeyn doono waa haddii Puntland ay garab u noqoto si uu ugu guuleysto doorashada Somalia.

Sharmaarke waxa uu u cadeeyay inuu heysto taageero dal iyo dibadba leh, balse uusan ka maarmin in Xildhibaanada Puntland uga mid noqon doona Baarlamaanka cusub ay codkooda ku garabsiiyan.

Waxa uu sheegay in haddii uu nasiib u yeesho Xilka Madaxweyninimo ee Somalia uu waxbadan ku biirin doono Puntland, hayeeshee iminka uu taagan yahay wakhtigii isaga la garabsiin lahaa.

Nuqul kamid ah codsigiisa ayaa ahaa ”Puntland waxa ay miisaan ku dhex leedahay Siyaasada Somalia, Anigu mowqifkeygu waa gaaritaanka kursiga ugu sareeya dalka waxaan Puntland uga fadhiyaa garabsiin iyo inay igala shaqeyso sidii aan ku gaari lahaa hadafkeyga”

”Ujeedkeyga Garoowe waxaa koow ka ah arrimaha doorashada iyo ololaheyga gaarka ah, Puntland waxaan ka filayaa inay tixgaliso dalabkeyga waxaana ballanqaadi doonaa hirgalinta ballanqaadyadeyda”

C/wali Gaas iyo Odayaasha ayaa Sharmaarke u ballanqaaday inay ku garbin doonaan ololihiisa, waxa ayna sidoo kale ku wargaliyeen inay wada dhigan doonaan axdi.

Dhinaca kale, Sharmaarke ayaa loolan adag kula jira Madaxweynaha uu hadda ka dhamaaday wakhtiga waxa uuna ku celcelshay in mowqifkiisa ugu weyn uu yahay gaarista kursiga ugu sareeya dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com