Xog: Gaas iyo Gen. Moorgan oo qaati kala taagan kadib markii…

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaray magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland, ayaa sheegaya in halkaasi uu si xoogan uga socdo ololaha musharaxiinta ku loolameysa Aqalka Sare ee DFS.

Wararku waxa ay sheegayaan in shaqsiyaadka ololaha wada uu kamid yahay Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Somalia, Maxamed Siciid Xirsi (Moorgan) iyo shaqsiyaad kale.

Moorgan ayaa la sheegayaa inuu kulamo kala duwan la qaatay Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas, Siyaasiyiinta iyo Odayada dhaqanka deegaanada Puntland si uu uga mid noqdo mas’uuliyiinta Aqalka Sare.

Moorgan ayaa la sheegayaa in Madaxweynaha Puntland uu siyaabo kala duwan uga dhaadhiciyay in lagu darro Aqalka Sare, balse waxaa la tilmaamayaa in C/wali Gaas uu ka caga jiiday in Moorgan uu ku biiriyo Aqalka Sare isagoo marmarsiyo ka dhigay in looga baahan yahay boosas kale oo aan aheyn Aqalka Sare.

C/wali Gaas ayaa la sheegay in Moorgan uu ka dhaadhiciyay in loo baahan yahay oo xubin muhiim ah loo dhiibi doono, waxa uuna ku raali galiyay in Xafiisyo gaar ah uu la damacsan yahay in loo dhiibo.

Warar kaasi ka duwan ayaa sheegaya in Moorgan uu ka biya diiday in lagu maslaxeeyo meel aan aheyn Aqalka Sare, waxa uuna ku doodayaa in Beesha uu kasoo jeedo uu ka heysto taageero isla markaana uu taageero uga baahan yahay dhanka C/wali.

Moorgan oo muddooyinkaani danbe u dhexeeyay magaalada Muqdisho iyo Garoowe ayaa waxa uu u muuqdaa inuu u hanqaltaagayo dib ugu soo laabashada Siyaasada Somalia.

Lama saadaalinkaro suuragalnimada in Moorgan ay u rumoobi doonto riyadiisa Aqalka Sare iyo in C/wali Gaas uu kala kulmi doono deyr.

Caasimada Onine
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com