DF Somalia oo wadda qorshe AMISOM looga eryayo Muqdisho Stadium

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Xukuumadda Somalia Khadiija Maxamed Diiriye, ayaa markii ugu horeysay xaqiijisay in Ciidamada AMISOM ay dhawaan ka guuri doonaan Garoonka Stadium Muqdisho.

Wasiirada ayaa sheegtay in ciidamada AMISOM ay muddo dhowr sano ah degnaayen Garoonka Stadium Muqdisho, isla markaana ay iminka ka bixi doonaan Garoonka.

Wasiir Khadiija Maxamed Diiriye, waxa ay carab dhabtay in Ra’isul wasaare Kheyre uu wado qorsho uu ciidamada AMISOM gabi ahaan uga saarayo Garoonka, waxa ayna cadeysay in dadaalkaasi uu yahay mid lagu guda jiro.

Wasiiradda oo la hadashay Warbaahinta gudaha, ayaa intaa ku dartay in garoonkan uu muhiim u yahay bahda isboortiga, sidaasi daraadeedna loo baahan yahay in AMISOM isaga guurto garoonkaasi.

Sidoo kale, Khadiija Maxamed Diiriye, waxa ay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa cayaara isboortiga ugu baaqday inay muujiyaan sabar isla markaana la shaqeeyan Xukuumada oo ku howlan dadaalka socda.

Geesta kale, Wasiir Khadiijo ayaa talaabadani ay ku howlan tahay Xukuumada uga mahadcelisay Ra’isul wasaare Xasan Kheyre.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com