Erdogan oo geesinimo weerar ugu qaaday Yahuuda kadib wixii ka dhacay Al-Aqsa

Erdogan (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa ku eedeeyey maamulka Israel inuu awood xad dhaafa u adeegsaday isku dhaca dhex maray ciidamada nabadgelyada iyo Falastiiniyta u mudaharaadayey Xaramka barakaysan ee Qudus.

Saddex qof oo Falastiiniyiin ah ayaa ku dhintay shaqaaqadaa oo ka dhalatay amar ay Israel kaga horjoogsatay ragga da’doodu ka yartahay konton jirka in ay ku tukadaan salaaddii Jimcaha barxadda masaajidka ee Muslimiintu u yaqaanaan Xaram Al-Shariif, Yuhuuduna tidhaa Temple Mount.

Israel waxay sheegtay in talaabadaa xaga nabadgelyada ah ee ay qaaday lagama maarmaan noqotay ka dib markii laba askari oo booliska Israel ka tirsan lagu dilay goobtaa.

Falastiiniyiinta ayaa se aad u diiday awaamiirtan cusub ee ay Israel goobtaa ku soo rogtay.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com