Maamulkan Cabdi Biroole oo siminaar lagu baranayo Maamul Wanaagga looga furay Kismaayo

Kismaayo (Caasimadda Online) – Maamulka Degmada Kismaayo ee Jubbland ayaa maanta si rasmi ah Magaalada Kismaayo uga furmay SIminaar lagu baranayo Dowlad wanaagga oo loo qabtay maamulka Degmada Cabdi Biroole oo kamid ah deegaanada Jubblanad.

Siminaarka ayaa waxaa si rasmi ah u furay Guddoomiye ku xigeenka degmada Kismaayo Barre oo sheegay in siminaarkaan laga faa’ideysan doono cashiro badan oo ku saabsan Maamul Wanaagga.

Guddoomiye ku xigeenka oo hadal xiiso badan ka jeediyey furitaanka siminaarkaas ayaa sheegay inay hey’adda Dalbile uga mahadcelinayaan soo diyaarinta siminaarkaan oo dadka Cabdi Biroole lagu fahamsiin doono waxa ay tahay dowlad iyo shaqadeeda.

Sidoo kale waxaa furitaanka ka hadlay guddoomiyaha Degmada Cabdi Biroole, oo halkaas ka sheegay inay cashirada ay siminaarkaan ka faa’ideystaan gaarsiin doonaan dadka Deegaanka oo uu sheegay inaysan waxba kala socon waxa ay tahay dowladda.

Siminaarkaan ayaa socon doono muddo 5 Berri, waxaana inta uu soco lagu qaadan doonaa cashiro badan oo ku saabsan dowlad Wanaagga iyo sida ay shacabka iyo dowladda iskula shaqeyn karaan.

Haddaba halkaan hoose ka daawo sawirada siminaarkaan