DF Somalia oo wafdi u dirtay shirarka ka socda magaalada Baydhabo

Baydhabo (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay ayaa sheegaya in halkaas maanta ay gaareen wafdi ka socda dowladda fedaraalka Soomaaliya.

Wafdiga gaaray Baydhabo waxaa hoggaaminaya wasiiradda arrimaha gudaha iyo gaandhigga, Cabdulaahi Goodax Barre iyo Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, waxaa kaloo la socda wasiirka ganacsiga iyo warshadaha, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Saransoor), wasiirka dekedaha iyo gaadiidka badda, Yuusuf Macallin AmiinBaaddiyow iyo wasiirka hiddaha iyo tacliinta sare, Ducaale Aadan Maxamuud

Wafdiga markii ay gaareen magaalada waxaa halkaas ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobalka iyo odayaal.

Maxay wafdiggan u tageen Baydhabo?

Ilo Wareedyo kala duwan oo la hadlay Shabakadda Caasimada Online, ayaa u xaqiijiyay in wafdiga dowladda ee gaaray Baydhabo in ay halkaas u tageen siddii loo mideen lahaa shirarka is-khilaafsan eek a socda magaaladaas.

Labada shir ee ka socda Baydhabo ee ayaa midka ka socda xarunta ADC-da waxaa looga arrinsanayaa dhismaha maamul gobaleed ka kooban lix gobal oo ay ku jiraan Jubbooyinka iyo Gedo, halka kan kalena oo ka socda Hotel Bakiin looga hadlaayo siddii maamul gobaleed loogu sameen lahaa seddax gobal oo kala ah Baydhab, Bakool iyo Shabeellaha Hoose.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horrey u sheegay in shirarka Baydhabo ka socdo loo baahan yahay balse aanu noqon mid caqabad hor leh u abuura dowladda maadama ay heshiis la gaareen maamulka KMG ah Jubbooyinka.

Warar dheeraad ah kala soco Caasimada Online In shaa Allah.

Â