DF Somalia oo war cad ka soo saartay cabsida ka jirta garoonka Aadan Cadde

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda duulista Hawadda Xukuumada Somalia Maxamed Cabdullaahi Salaad Omaar, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay isbedelka dhanka amaanka ah ee ka taagan Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Wasiir Omaar, ayaa sheegay in isbedel dhanka amaanka ah uu ka ka jiro Guud ahaan Garoonka gaar ahaan qeybta safarada iyo Xarunta Xalane, waxa uuna cadeeyay in isbedelka jira uusan saameyn ku yeelan shaqada ka socta Garoonka.

Waxa uu Omaar sheegay inay jiraan shaqsiyaad faafinaaya warar been abuur ah kuwaa oo baahinaaya in isbedelka amniga Garoonka uu saameyn ku yeeshay howlaha Garoonka Muqdisho.

Omaar ayaa sheegay in wararkaasi ay yihiin been Abuur , isla markaana shaqadda Garoonka ay ku socoto si caadi, markii laga soo tago adkeynta Amniga Garoonka oo waajib ah.

Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in aysan jirin isbadel ku yimid Shaqadda garoonka , laakiin Amniga dib u habeyn lagu sameynaayo, taasina aysan ka turjumeynin shaqo joojin ku timid howlaha Garoonka.

”Waa arrin khasab ah in mar waliba isbedel dhanka amaanka ah lagu sameeyo Garoonka qeybihiisa kala duwan, balse micnuhu maaha in isbedelka socda ay u hakatay howsha ka soctay Garoonka” ayuu yiri Omaar.

Sidoo kale, Wasiir Omaar waxa uu ka digay in warxumo tashiil laga sameeyo shaqooyinka Garoonka waxa uuna wacad ku maray in shaqsiyaadka faafiyay wararka been abuurka ah ee ku aadan in la hakiyay shaqooyinkii ka socday Garoonka ay ka qaadi doonaan talaabo sharci ah.

Haddalka Omaar, ayaa imaanaya xili Seddexdii maalin ee ugu danbeysan aad loo adkeeyay amniga Garoonka Aadan Cadde iyo qeybta Xalane.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com