DF Somalia oo war cusub kasoo saartay isbitaalka Martiini oo lagu daweeyo dadka qaba Coronavirus

Muqdisho (Caasimada Online) – War kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in isbitaalka Martiini loo dhammeystiray qalabkii caafimaad ee loo baahnaa, kaas oo ka mid ah isbitaalada lagu dabiibo dadka uu soo rito xanuunka Coronavirus.

Dowladda ayaa maanta qolalka xaaladda degdegga ah ACU ee Isbitaalka ku xirtay 20 sariirood oo loo dhammeestiray qalabkii loo baahnaa si loogu baxnaaniyo dadka xaaladoodu aadka u adagtahay, sida lagu sheegay qoraal goor dhaw kasoo baxay xukuumadda.

Isbitaalka waxaa sidoo kale laga howl geliyay Dhakhaatiir iyo kalkaaliyaal takhasus u leh xirfadaha loo baahanyahay, kuwaas oo kala ah 10 dhakhtar iyo 10 kalkaaliye oo Isbitaalka Digfeer horay uga howlgeli jiray.

Saraakiishaas caafimaad ayaa hada qayb ka qaadanaya xakameynta COVID-19, waxaa sidoo kale qoraalkan lagu sheegay in dhawaan ay ka howl billaabayaan Martiini la taliyaal sare oo caafimaad, kuwaas oo ku takhasusay maareynta cudurrada faafa iyo cudurrada ku dhaca neef mareenka.

Isbitaalka Martiini oo lagu howl billaabay bishii hore Maarso16-keedii ayaa lagu qaabilay 218 bukaan oo 21 kamid ah la jiifiyay, halka afar kamid ah bukaannadii la jiifiyay ay ka bogsadeen xanuunka COVID-19, sida lagu sheegay warbixintan.

Haatan Martiini waxaa jiifa oo lagu baxnaaninayaa 17 bukaan, waxayna xukuumaddu sheegtay in lasii dardar gelinayo horumarinta isbitaalkan.

Ugu dambeyntii dowladda federaalka ayaa mar kale bulshada ugu baaqday inay qaataan talooyinka caafimaad, si gaar ah waxaa looga deyriyey in dadka qaba xanuunada daaha hadii uu ku dhaco cudurkan ay gelayaan xaalad halis ah.