25.6 C
Mogadishu
Friday, October 24, 2025

DF Soomaaliya oo shaacisay waqtiga ay doorashada ka qabaneyso Muqdisho

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday go’aan xasaasi ah oo la xiriira qabsoomida doorashooyinka dalka, xilli weli ay cabasho qabaan mucaaradka.

Cabdikariin ayaa sheegay in maanta lasoo gabagabeeyay diiwaangelinta doorashada qof iyo codka ah ee degmooyinka gobolka Banaadir, isla markaana ay si guul ah usoo dhamaadeen.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in la diiwaangaliyay ku dhawaad 1 milyan oo qof, kuna nool caasimada, kuwaas oo uu tilmaamay in ka qayb-geli doonaan doorashooyink dalka.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dhowaan la qaban doono doorashada Muqdisho, gaar ahaan golayaasha deegaanka oo ay ka qayb-geli doonaan dadweynaha Soomaaliyeed.

“Duqa Magaalada Muqdisho iyo golaha deegaanka waxaa la dooran doona 30 bisha October, waxaana loo dareeri doona codbixin” ayuu yiri Guddoomiyaha Guddiga Doorashada.

Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in qorshahooda uu ka ballaarsan yahay Muqdisho, isla markaana diiwaangelinta ay gaarsiiyeen degmooyin badan oo dalka, ayna kamid yihiin magaalooyinka Xudur iyo Laascaanood oo hadda laga diiwangelinayo shacabka.

Si kastaba, Dowladda Soomaaliya ayaa haatan ku dadaaleysa in dalka ay ka qabsoonto doorasho qof iyo cod ah, gaar ahaan in ay shacabka Muqdisho helaan maamul matala, hayeeshee waxaa weli halkeedii ah doodda mucaaradka oo weli ku dhagan Villa Somalia.

- Advertisement -

Read more

Local News