Kismaayo (Caasimada Online) – Xeebta Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ee Kiboore, waxaa maanta ku soo caariyay Libiri weyn, kaas oo dadka deegaanka oo wata faasas iyo qalab kale ay ku xoomeen.
Dadka reer Kismaayo ayaa isugu tegay goobta, iyagoo bilaabay inay dilaaciyaan Libiriga, si ay uga baaraan waxa loogu yeero (Cambar) oo ah hadiyad qaali ah oo laga dhex helo noolahaas.
Muuqaallo baraha bulshada la soo dhigay ayaa laga arkayaa dadka oo faas la dhacaya Libiriga oo muuqaal ahaanna aad u weyn, kaas oo yaalla banaanka hore ee xeebta.
Cadad Libiriga ka mid ah dad wata ayaa sidoo kale muuqaallo iska soo duubay, kuwaas oo sheegaya inay aaminsan yihiin inuu yahay cambarkii ay goobayeen oo ay ku nasiibsanayaan.
Dadka sida aadka ah loo faafiyey muuqaalkooda waxaa ku jira nin sita seddax kamid ah ilkihii Libiriga, isagoo warbaahinta u sheegay in ugu yaraan ay ilkahaasi lamid noqonayaan foolka Maroodiga.
Hadaaba muxuu yahay Cambarka la raadinayo ee ku jira Libiriga?
Cambarka ayaa ah mid naadir ah oo qiimo leh, kaas oo laga sameeyo Catarka.
Daraasado la sameeyey waxay muujinayaan in la isku daaweyn jiray, sida dawo ama cunto sare u qaada Shahwada.
Waa xubin qoyan oo isku dhaggan, kaas oo laga helo mindhicirrada Libiriga.
Waxaa loo adeegsadaa sameynta Catarrada la isku carfiyo, kuwooda ugu qiimaha sareeya adduunka.
Dalal dhowr ah waxaa ka mamnuuc ah in laga ganacsado Cambarka Libiriga, halka kuwo kalena ay u arkaan qashin.

