25.3 C
Mogadishu
Tuesday, January 20, 2026

DF Soomaaliya oo maanta qaaday tallaabo hor leh oo la xiriirta xiisadda GEDO

Bookmark
Bookmarked

Share

Garbahaarey (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta qaatay tallaabo horleh oo la xiriirta xaaladda gobolka Gedo oo indhawaanahan ay ka taagneyd xiisad u dhexeyso ciidamada Xoogga dalka iyo Daraawiishta maamulka Jubaland.

Taliska guutada 10-aad ee ciidanka Xoogga dalka ayaa maanta soo saaray amaro cusub oo ka dhaqan-galaya gobolka, gaar ahaan degmada Garbahaarey, kuwaas oo ku aadan amniga.

Taliyaha guutada 10-aad ee gobolka Gedo, Gaashaanle Sare Cismaan Sheekh Cabdi Qorrax oo warbaahinta la hadlay ayaa ku dhawaaqay amarkan, isaga oo sidoo kale faray ciidamada dowladda ee ku sugan halkaasi inay qaataan doorkooda ku aadan xasilinta amniga guud.

Si guud ciidamada ayaa laga mamnuucay inay hub ku dhex qaataan magaalada, xilliyada ay fasaxa yihiin, si looga hortago in isku dhacyo hubeysan ay ka dhacaan halkaasi.

Sidoo kale waxaa laga mamnuucay ciidanka iney ridaan rasaas, si looga hortago in la qalqal-geliyo dadka shacabka ah ee ku dhaqan halkaasi, waxaa kale oo go’aankan lagu sheegay in askarigii u hoggaansami waayo amarka laga qaadi doono tallaabo sharci ah.

“Waa mamnuuc in rasaas amar la’aan ah la iska rido, taasoo shacabka ku abuuri karta qalqal iyo waxyeelo iskugu jirta dhaawac iyo dhimasho, waxaa dhawaan geeriyootay haweeney kadib markii rasaas la riday oo aan ku dhicin ay ka naxday.”  ayuu Taliye Qorrax.

Waxaa kal oo uu intaasi kusii daray inay ka shaqeyn doonaan deganaashaha magaalada, waajibkoodana uu yahay ilaalinta badqabka shacabka iyo xasilinta amniga guud.

Gedo ayaa waxaa haatan ka taagan xiisad culus oo uu dhiig ku daatay, taas oo u dhexeyso dowladda dhexe iyo Jubaland oo weli isku hayo qaybo kamid ah gobolkaasi, hase ahaatee dowladda federaalka ayaa haatan wadda qorshayaal lagu xasilinaayo guud ahaan gobolka.

- Advertisement -

Read more

Local News