DF ma ka go’an tahay dagaal ay la gasho Ethiopia?

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa war cusub kasoo saartay xiisadda diblomaasiyadeed ee kala dhexeysa Itoobiya, taas oo kasii dareysa, isla markaana laga cabsi qabo inay isku beddasho gacan ka hadal, maadaama uu socod dhaq-dhaqaaq xoogan.

Wasiiru dowlaha wasaaradda amniga gudaha Soomaaliya, Maxamed Cali Xagaa oo ka qayb-galay dood ku aadanayd kiiska badda ayaa shaaca ka qaaday inay haboon tahay in fadhiga laga kaco, maadaama baddeenna iyo dhulkeenna ay soo damaacisay dowladda Itoobiya.

“Itoobiya way timid, wayna damacday ma ogaal la’a inay jabineyso heshiisyadii caalamiga ah oo dhan, weligeedna waan is haynay Itoobiya” ayuu yiri wasiiru dowlaha amniga.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in qorshaha Itoobiya ee badda Soomaaliya uu mar hore soo billowday, isla markaana ay weligeed ku hamineysay in la wareegto.

“Kuuma naxariisaneyso Itoobiya intaan soo nooleyn oo wax soo baraneynay waxay ku hamineysay inay dhulkaaga haysato” ayuu kusii daray Wasiir Xagaa.

Waxaa kale oo uu tilmaamay haddii ay arrintu faraha ka baxdo oo dagaal ay isku rogto in Soomaaliya ay ka go’an tahay inay dagaal la gasho Itoobiya, iskana dhicin karto.

Wasiirka ayaa tusaale usoo qaatay tallaabooyinkii u dambeeyay ee ay qaaday dowladda, laguna celinay diyaaradihii kusoo xagdubay hawada Soomaaliya.

“In aan Itoobiya la dagaal geli karno waxaa tusaale u ah labadii tallaabood ee aan qaaday, kuna difaacanay hawadeenna” ayuu mar kale yiri wasiirku.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo ay sii kululaaneyso xiisadda labada waddan ee ka dhalatay heshiiskii ay kowdii bishaan gaareen Muuse Biixi iyo ra’iisul wasaare Abiy Axmed.