DF oo arrimaha duulimaadka kala hadashay Kena kadib…

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya, Xildhibaan Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa magaalada Muqdisho kulan gaar ah kula yeelatay safiirka dowladda Kenya u qaabilsan Soomaaliya, Amb. Thomas Chepkoto.

Labada dhinac ayaa ka wadahadlay arrimo ay kamid yihiin hirgelinta heshiisyada gaadiidka iyo duullimaadka iyo dib u soo celinta duulimaadyada Kenya Airways ee Muqdisho.

Sidoo kale waxay isku soo hadal qaadeen arrimaha duulimaadka, gaar ahaan culeyska ku yimid helidda Fiisaha dalka Kenya oo maalmihii u dambeeyey lasii adkeeyey.

Wasiir Fardowsa ayaa Amb. Thomas Chepkoto la wadaagtay dhibaatada ay muwaadiniinta Soomaaliyeed ku qabaan Fiisaha Kenya oo markii hore mudo todobaad ah lagu heli jiray, balse haatan ay qaadan karto ilaa bil, taasoo xitaa aan hubanti buuxda loo heyn in la helo.

Fardowsa ayaa kulan kadib shaacisay in ka dowlad ahaan ay ku dadaali doonaan sidii hoos loogu dhigi lahaa culeyska ay wajahayaan dadka Soomaaliyeed ee u safra Kenya.

Dhankiisa Danjiraha Kenya ee Soomaaliya ayaa ballan-qaaday inuu arrintan uu daba-gal ku sameyn doono, islamarkaana uu xal rasmi ah keeni doono, si loogu fududeeyo dadka Soomaaliyeed helida Fiisaha dal ku galka ee wadankaasi oo Soomaali badan ay joogaan.

Wadahadalladan ayaa kusoo aadayo, xilli muddooyinkii u dambeeyey ay isa soo tarayeen eedeymaha loo jeedinayo dowladda Kenya ee ku aadan inay ka gaabisay fulinta heshiisyadii ay la gashay Madaxweyne Xasan Sheekh oo dib u fasaxay qaadka Miiraa ee waddankaasi.