Ergayga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya oo soo gaaray MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergayga Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya, ahna madaxa howl-galka KMG ah ATMIS, Danjire Mohammed El-Amine Souef ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.

Danjire Mohammed El-Amine Souef ayaa caasimada dalka u yimid si uu ula wareego howlihiisa, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay ATMIS.

Waxaa magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay Fiona Lortan oo ah ku-xigeenka Ergayga gaarka ah, madax ka tirsan wasaarada arrimaha dibadda ee Soomaaliya iyo saraakiil ka tirsan ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS.

Mohammed El-Amine Souef oo ah Wakiilka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya ahna Madaxa Howl-galka ku-meel gaarka ah ee Midowga Afirka ATMIS ayaa 4-tii September 2022 loo magacaabay xilkaan, isaga oo u magacaabay Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Moussa Faki

Danjiraha oo u dhashay waddanka Comoros ayaa bedelay wakiikii hore ee Midowga Afrika ee Soomaaliya Ambassador Francisco Madeira, oo uu Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble dalka ka eryay bishii April.

Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ayaa sidoo kale xiligaas waxa uu Ambassador Francisco Madeira ku eedeeyay inuu ku lug yeeshay arrimo ka baxsan shaqadiisa.

Wixii ka horeeyay magacaabistiisa, wuxuu Ambassador Souef ahaa Madaxa Xafiiska Gobolka Gao ee Hawlgalka Xasilinta Isku-dhafka ee Qaramada Midoobay ee Mali (MINUSMA).