Xog: Sababta hor taagan in horey loo sii wado dagaallada ka dhanka ah Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa toddobaadyadii tegay uu gaabis ku yimid dagaalkii ka dhanka ahaa Al-Shabaab ee ka socday qaar ka mid ah gobollada dalka, taasi oo keentay in madaxweyne Xasan Sheekh uu shalay tago furimaha dagaalka, si uu u dhiiri geli ciidamada.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, waxaa soo baxaya shaki iyo tuhun ay muujinayaan saraakiisha xafiiska madaxweyne Xasan Sheekh iyo saaxiibada ku xeeran oo ah in taliyayaasha sare ee ciidanka qaarkood ay xagal daacinayaan howlgallada.

Xogta ayaa sheegeysa in dadka la tuhunsan yahay u uku jiro Taliyaha ciidamada xoogga dalka Gen. Odawaa Yuusuf Raage oo ay wehliyaan taliyaha ciidamada booliska Jen. Cabdi Xasan Maxamed “Xijaar, taliyaha ciidamada lugta General Biixi, iyo saraakiil kale oo qeybaha ciidamada gaarka u tababaran ay hoos tagaan.

Villa Somalia ayaa qabta in saraakiishaasi aysan daacad ka aheyn dhameystirka howlgallada socda, islamarkaana ay xagal daacinayaan howlgallada ciidamada iyo macaawiisleyda.

Xogta ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in taliyeyaashaasi oo madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu magacaabay ay illaa hadda weli fulinayaan siyaasafdii Farmaajo maadaama Famaajo loo arko inuusan la dhacsaneyn in Al-Shabaab meesha laga saaro si walbo haku timaadee.

Farmaajo ayaa shan sano oo uu madaxweyne ka ahaa dalka, aan wax dagaal ah ku qaadin Al-Shabaab.

Sidoo kale, Taliyaha ciidamada xoogga dalka Jen. Odawaa Yuusuf Raage iyo saraakiil kale oo ku heyb ah ayey farta ku godan tahay inay mas’uul ka yihiin colaadda ka taagan degmada Cadale, dagaalladaasi beeleed oo loo arko in uu dib u dhac u keenayo howlgallada lagu doonayo in lagu gaaro degmada Aadan Yabaal.

Dhinaca kale, waxaa soo baxayaa warar aad u sarreeya oo sheegaya in madaxweye Xasan Sheekh uu qorsheynayo xil ka qaadis lagu sameeyo Taliyaha CXD Jen. Odawaa Yuusuf Raage, Jeneraal Biixi iyo Taliyaha Booliska Jen. Xijaar, waxaana xil qaadistaasi kadib daba socoto in iyagana xilalkooda weyn doonaan taliyeyaal kale oo guutooyinka ciidamada Mareykanka iyo Turkiga tababareen ah, kuwaasoo loo arko in weli ay meesha u joogaan madaxweynihii hore Farmaajo.

Socdaalka madaxweyne Xasan Sheekh uu ku tegay gobolka Hiiraan iyo aagagga dagaalka ee uu kusoo kormeerayo ayaa qeyb ka ah qiimeyn iyo xog wareysi lala yeelanayo ciidamada, kahor inta aan la sameyn isbeddelo.