Daawo: Koonfur Galbeed oo JAWAAB kulul ka bixisay go’aankii mucaaradka

Baydhabo (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda warfaafinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Ilyaas Cali Nuur oo wareysi gaar ah siiyey Telefishinka Universal ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee maamulkaas iyo arrimaha doorashada.

Ilyaas Cali Nuur ayaa marka hore jawaab rasmi ah ka bixiyey go’aankii kasoo baxay xubnaha mucaaradka ee Koonfur Galbeed ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho, kuwaas oo ka horyimid qorshaha muddo kororsiga madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen.

Wasiirka ayaa shaaca ka qaaday in xubnaha mucaaradka looga baahan yahay in aysan qaadin cadiifad, islamarkaaana ay tahay inay ka fakiraan xasiloonida iyo danaha shacabka.

“Qofka marka uu murcaarad yahay ama uu wax sheegaayo ma’aha caadifad iyo kursi raadis inay ka noqoto waxaa loo baahan yahay qofka siyaasiga ah in siyaasaddiisa ay ku saleysan tahay caqli iyo miisaan,” ayuu wareysigaan ku yiri wasiirka Ilyaas Cali Nuur.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay arrin sharci ah tahay muddo kordhinta madaxweynaha, maadaama ay meel-mariyeen Golaha Wakiilada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

“Madaxweynaha Koonfur Galbeed muddo xileedkiisa waa la yaqaanaa waana sanadka dambe December, aniga kuma darin Baarlamaanka ayaa mowqifkaasi iska leh, iyagaana ku daray,” ayuu markale yiri wasiirka wasaaradda warfaafinta maamulka Koonfur Galbeed.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in ka maamul ahaan ay ka go’an tahay in la qabto doorasho xor iyo xalaal ah oo loo dhan yahay, si loo ilaaliyo midnimada shacabka.

“Madaxweynaha iyo Golaha Wasiirada dhammaantood waxa ay u taagan yihiin metelaadda shacabka Koonfur Galbeed, marka way ku qasban yihiin in la qabto doorasho hufan oo ka dhacda Koonfur Galbeed, haddii la gaaro waqtigeeda,” ayuu raaciyey Wasiir Ilyaas Cali.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, xilli haatan Koonfur Galbeed uu ka taagan yahay khilaaf ka dhashay hoggaanka doorashada ee maamulkaasi, waxaana xiisadda uga sii daray muddo kororsiga Laftagareen oo ay ka horyimaadeen xubnaha mucaaradka ee maamulkaasi.