Senator Afcadey oo sheegay in beeshiisa uu ka baxayo haddii ay dagaal gasho

Cadale (Caasimada Online) – Waxaa gogol la iskugu keenay waxgaradka beelihii dhawaan ku dagaalamay aagga degmada Cadale ee gobolka Shabeellada Dhexe, waxaana gogoshii maanta la dhigay ka hadlay masuuliyiin iyo odayaal dhaqan.

Senator Axmed Maxamed Cali (Afcadey) ayaa ka mid ahaa masuuliyiintii ka hadashay kulankii la isugu keenay waxgaradka beelihii dagaalamay, isagoo wax laga xumaado ku tilmaamay in dadkiisa oo dhalasho ahaan aad isugu dhow ay is dilaan.

Senatorka ayaa ku guudiyey in beesha uu ka bixi doono oo dhalasho kale uu qaada doono, hadii mar dambe ay dagaalamaan oo gogoshaan la dhigay ay heshiis ku gaari waayaan.

Ugaaska iyo Iimaamka beelaha Mudulood ayaa hormuud u ahaa abaabulka kulanka la isugu keenay labada beelood ee walaalaha ah, kuwaas oo dhawaan dad badan isaga dilay duleedka degmada Cadale.

“Halkaan dhibaato ayaa ka dhacday, qaraabo waxaa la idinka rabaa in xabad joojintaan aad dhab u qaadataan, qof kasta qoriga ha iska tiiriyo, xabad joojintu waa sidii loogu dhawaaqay, dadka dagaalamaya dhalashada markii la fiiriyo inta ay kala tirsadaan iyo sida ay isku laayeen waa ceeb,” ayuu yiri Senator Afcadey.

Wuxuu intaas ku sii daray, “Waxaan idinka codsanayaa in walaalnimadii aad soo celisaan, oo wadahadalkaan laga dhabeeyo, hadii wadahadalkaani uu soca waayo, ogaada dhalasho ayaan la soo baxayaa.”

Kulankaan dib u heshiisiinta ah ayaa ka furmay degmada Cadale ee gobolka Sh/Dhexe, waxaana la isugu keenay waxgaradka beelihii dagaalamay, iyadoo hadda la gaaray xabad joojin hor dhac ah.

Hoos ka daawo