Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hirgelisay nidaam casri ah oo ka hortagaya in xubnaha kooxaha argagixisada ee Al-Shabaab iyo Daacish ay dalka uga bixi karin.
Nidaamkan ayaa sidoo kale ka hortagaya in xubnaha xagjirka ah usoo duullaan Soomaaliya, sida uu Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka Soomaaliya, Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow u sheegay wakaallada Anadolu ee dalka Turkiga.
Nidaamkan oo lagu magacaabo PISCES ayaa si rasmi ah u hirgalay saddex billood ka hor, waxaana taageertay dowladda Mareykanka, sida uu sheegay Agaasime Dhuxulow.
“Saddex bilood ka hor ayaan hirgalinay nidaamka PISCES, oo Mareykanku taageeeayo. Nidaamkan ayaa xaqiijinaya in aan qofna dalka uga bixin ama ugu soo gelin iyadoo aanay jirin diiwaan rasmi ah,” ayuu Dhuxulow u sheegay wakaaladda wararka ee Anadolu.
Agaasimaha ayaa tilmaamay inay heshiis la galeen Interpol, si loo adeegsado liiska kormeerka caalamiga ah. Hay’adda ayaa sidoo kale xiriir dhow la’leh dalal ay ka mid yihiin UK, Jarmalka, Switzerland, Norway iyo Finland.
Dalalkan ayaa hay’adda socdaalka Soomaaliya u ballan-qaaday sii xoojinta iskaashiga dhinaca socdaalka iyo amniga, sida uu xusay agaasimaha.
Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa ka shaqeynaysa horumarinta adeegyada socdaalka, iyadoo la sugayo amniga qaranka. Hay’adda ayaa dhawaan ku dhawaaqday hirgelinta adeegga e-VISA, kaas oo si rasmi ah u dhaqan-galay 1-dii bishaan.
Adeeggan ayaa lagu soo dalban karo qaab elektaroonig ah, iyada oo loo marayo mareegta rasmiga ah ee hay’adda. Tani waa tallaabo taariikhi ah oo Soomaaliya ku biirinaysa dalalka isticmaala nidaamka casriga ah ee fiisooyinka elektaroonigga ah.

