Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa ku dhawaaqay in qadar lacageed ay si rasmi ah ugu darsatay maalgelinta biyo-xireenka Itoobiya, kaas oo xalay looga dabaal-degay magaalada Garoowe.
Wasiirka Arrimaha Gudaha maamulka Puntland, Cabdi Faarax Juxa ayaa shaaciyay in Puntland ay maalgelinta biyo-xireenka ku darsatay lacag dhan $1,000.
Wasiirka ayaa sheegay in biyo-xireenkan uu tusaale u yahay waxa Afrika qabsan karto, wuxuuna tilmaamay in mashruucan uu wax weyn ka tari doono dhaqaalaha iyo horumarka Itoobiya iyo guud ahaan qaaradda.
“Waxaan bogaadineynaa biyo-xireenka ay Itoobiya dhistay dhowaan la daah furi doono. Waa arrin weyn oo tusaale u ah waxa Afrika qabsan karto. Waxaan rajeynaynaa in koronto qiimo jaban ah ay na soo gaarto, waana mashruuc mudan in la taageero, anigu waxaa gatay 1,000 doollar share ah,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland.
Deeqdan lacageed ayuu ku tilmaamay mid astaan u ah in dadku ay si wadajir ah mustaqbalka uga qeyb qaataan maalgashiyada waaweyn.
Tan ayaa maamulka Puntland ka dhigaysa dowlad-goboleedkii ugu horreeyay ee ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo si cad u taageera biyo-xireenka Itoobiya, isla markaana ku darsada maalgashi.
Puntland oo muddooyinkii dambe uu khilaaf xooggan kala dhaxeeyay hoggaanka Dowladda Federaalka ayaa u muuqata inay ku xumaneyso arrintaan xiriirka wanaagsan ee Soomaaliya la leedahay Masar.
Masar ayaa iyadu qeyb ka noqotay howl-galka Midowga Afrika ee nabad ilaalinta. Masar ayaa biyo-xireenka ay Itoobiya fureyso u aragta halis ka dhan ah danaha qarankeeda.
Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay tahay inay isku dheelitirto xiriirka labada dal ee uu ka dhexeeyo khilaaf siyaasadeed, ayaa si dhow indhaha loogu hayaa sida ay u wajihi doonto arrintaan.
Si kastaba, biyo-xireenka Itoobiya oo lagu dhisay lagu sheegay in ka badan $4 bilyan ayaa noqonaya midkii ugu weynaa ee Itoobiya laga fuliyo, iyadoo la filayo inuu soo saaro tamar koronto oo gaarta guud ahaan Itoobiya iyo dalalka deriska ah.

