DF oo faragelisay dagaalka magaalada Laascaanood

Laascaanood (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa qaaday tallaabo culus oo ay ku faragelineyso dagaalka magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kaas oo u dhexeeyo ciidamada milatariga Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka.

Wararka ayaa sheegaya in dowladda federaalka ay magaalada Laascaanood u dirtay ergo nabadeed, si ay xal ugu raadiyaan xiisadda dagaal oo u dhexeyso labada dhinac.

Sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ergada ay dirtay dowladda dhexe ayaa ah odayaal dhaqameedyo kasoo jeeda beelaha Hawiye iyo Digil iyo Mirifle, kuwaas oo dhex-dhexaadin ka dhex bilaabin doono maamulka Somaliland iyo dadka deegaanka.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in Isimadan oo ka baxay Muqdisho ay haatan gaareen magaalada Garoowe oo ay wadahadal kula yeelan doonaan Isimda dhaqanka SSC.

Inta badan wadahadalladan waxaa lagu gorfeyn doonaa sidii loo sameyn lahaa xabad joojin, kadibna loo bilaabi lahaa sidii xal loogu heli lahaa xiisadda Laascaanood.

Xogta aan heleyno ayaa sidoo kale sheegeyan in ergadan ay tegi doonto magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland, si ay dhankooda kulamo ula soo yeeshaan madaxda sare ee maamulkaasi, ayaga oo kala hadlaya arrimo ku saabsan dagaalka Laascaanood.

Waa markii ugu horreysay oo ay tallaabo noocaan ah ay dowladda federaalka u qaado dagaalka Laascaanood oo galay bishii labaad oo xiriir ah, kaas oo sababay dhimashada dad kudhow 400, halka ina ka badan 1000 ruux ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo u badan rayid.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, ayada oo weli ciidamada labada dhinac ay isku horfadhiyaan aagagii lagu dagaalamay ee duleedyada magaalada Laascaanood.

Si kastaba, waxaa horay dadaallo kuwaan lamid ah oo dhex-dhexaadin ah sameeyay dowladaha Jabuuti iyo Itoobiya, balse ma jirto wax natiijo ah oo laga gaaray.