DF Soomaaliya oo go’aan kasoo saareysa khudaarta dalka dibadiisa laga keeno

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Injineer Cabdullaahi Cali Xasan ayaa sheegay inay sharci kasoo saari doonaan joojinta khudaarta dibadda laga keeno, iyada oo dalka laga heli karo.

Wasiirka oo ka qeyb galay barnaamij ka baxey Warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in dib u eegis lagu sameyn doono waxyaabah dalka laga dhoofiyo iyo kuwa la keenao, taas oo uu sheegay in sharciyo xakameynaya ay dhawan ay baarlamaanka ansixiyeen, islamarkaana madaxweynaha uu saxiixi doono.

Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya ayaa si gaar ah waxaa uu diirada u sarey dhinaca khudaarta oo qaarkood dibadda ka yimaada sida dalalka deriska ah, xilli laga heli karo dalka, waxaana uu sheegay inay joojin doonaan in dalka la keeno khudaar laga heli karo Soomaaliya.

Arrintan ayaa imaneysa ayada oo marar badan la-yaab lagu tilmaamay in dowladdu ogolaatay in dalka la keeno cunno laga heli karo gudaha, taasi oo dhaawac xooggan gaarsiineysa beeraleyda dalka.

Wasiirka ayaa sheegay in dowladda ay tallaabadan qaadeyso ayada oo ujeedki yahay in la dhiiri-geliyo wax soo saarka gudaha dalka, taasi oo wax tareysa shacabka iyo guud ahaan dhaqaalaha dalka.

Hoos ka dhageyso codka Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha