Kadib amarkii DF, Kenya oo qaad geysay KISMAAYO

Kismaayo (Caasimada Online) – Kadib amarkii dowladda federaalka ay ku mamnuucday duulimaadyada dalka, dowladda Kenya ayaa adeegsatay hab kale, oo ay qaad ku gaysay magaalada Kismaayo, sida ay sheegeen xildhibaano magaalada ku sugan.

Kenya ayaa la sheegay inay shalay deegaanada Jubaland ay ku soo daabushay doonyo sida qaad, kuwaasi oo ku soo xirtay dekedda magaaladda Kismaayo ee maamulka Jubaland, arrintaas oo lagu tilmaamay mid xadgudub ku ah madax-baanida Soomaaliya.

Xildhibaan Saciiid oo ku sugan magaalada Kismaayo ayaa Idaaacada Simba ee magaalada Muqdisho u sheegay in shalay suuqayada Kismaayo lagu iibinayey qaadka, oo dowladda Soomaaliya ay joojiyey diyaaradahii dalka keeni jiray sababo la xiriira Cabsi xoogan oo laga qabo cudurka Coronavirus.

Xildhibaanka ayaa sheegay in doonyaha ay horey qaadka u keeni jireen Kismaayo, balse ay hadda qaad ka badan kii hore kusoo daabuleen magaalada.

Dowladda Soomaaliya kama soo bixin amar ay ku mamnuucday doomaha, ama si gaar ah ay ugu beegsatay qaadka, sidaas darteed ma cadda in Kenya ay sharci jebisay iyo in kale.

Xildhibaanka oo ka tirsan garabka Cabdirashiid Xidig ayaa dowladda Soomaaliya ugu baaqay inay Kenya ka qaado tallaabo jawaab u ah xadgudubka ay ku sameysay xuduudaha dalka  iyo caafimaadka umadda Soomaaliyeed.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan ku dhawaaqday inay joojisay diyaaradaha ka imaanaya dalka dibadiisa ka dib markii Itoobiya iyo Kenya oo daris la ah Sooomaaliya ay sheegeen in laga helay kiisas Coronavirus ah.

Hoos ka dhageyso xilkdhibaan Saciid