Wasiirada DF ee ka qeyb galay shirkii Garoowe oo ka horyimid qodobo ka mid ah war-murtiyeedkii shirka

Garoowe (Caasimada Online) ― Wafdigii dowladda federaalka ee dhowaan ka qeyb-galay Shirweynihii Wada-tashiga Puntland ayaa maanta soo saaray war-murtiyeed ay kaga soo hor-jeesteen qaar kamid ah qodobo ku jiray War-murtiyeedkii laga soo saaray shirkaasi.

Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad oo warbaahinta kula hadlay magaalada Garoowe ayaa sheegay in uu ugu horeynta soo dhoweynayo Go’aankii uu Madaxweyne Deni ku aqbalay tagida magaalada Muqdisho.

Wasiir Cawad ayaa xusay in Safarkaasi uu wax weyn tari doono maadama uu Deni kulamo la qaadan doono Madaxda ugu sareysa dalka, Farmaajo iyo Kheyre.

Sidoo kale waxa uu bogaadiyey qabashada Shirweynaha wada-tashiga Puntland, oo socday muddo ku siman saddex cisho ah.

Cawad ayaa si weyn uga hor-yimid qodobo ku jiray War-murtiyeedka shirkaasi laga soo saaray, gaar ahaan qeybta sida gaarka ah farta ugu fiiqeysa DF.

Wasiirka ayaa waxa kale oo uu sheegay in uu ka xun yahay wax uu ugu yeeray erayo xanaf leh oo War-murtiyeedkaasi ku bartilmaamedsaday maamul goboleedyada dalka.

“Waxaan diidan nahay go’aamada lagu sheegay war-murtiyeedka shirka ka soo baxay, qeybta ku saabsan Dowladda federaalka oo aan marnaba ka turjumeyn hadal soo jeedintii iyo doodihii shirka” ayuu yiri Wasiir Cawad.

Wuxuuna intaas sii raaciyey “Waxaan ka xunahay oo aan rabnaa in aan halkaan ka cadeyno eraydii xanafta lahaa ee war-murtiyeedku kusoo baxay ee weliba loo geystay maamulada kale, taas oo qeyb ka aheyn ajendihii shirka kuna jirin hadal soo jeedintii wafdiyadii, isla markaana ku jirin doodihii shirka”.

War-murtiyeedka dhowaan laga soo saaray Shirweynaha wada-tashiga Puntland ayaa qeyb kamid ah lagu sheegay in dowladda federaalku ay ka weecatay nidaamkii federaaleynta dalka, iyadoona lagu sheegay in xubnaha Shirweynuhu ay ka muujiyeen wel-wel fara-gelinta qaawan ee DF ku hayso maamulada dalka.