Xildhibaanada iyo wasiirada beelaha Hawiye oo kulan uu uga socdo Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan ay leeyihiin xildhibaanada labada aqal iyo wasiirada beelaha Hawiye ayaa caawa ka socda hotel-ka Maa’ida (Ex-Naasahablood 2) ee magaalada Muqdisho.

Kulankan ayaa looga hadlayaa wixii laga yeeli lahaa tirada xildhibaanada Beelaha Hawiye kasoo gaaray baarlamanka maamulka Koonfur Galbeed, oo aad uga yar tiradii ay xaqa u lahaayeen. Beelaha Hawiye ayaa baarlamanka Koonfur Galbeed laga siiyey kaliya 9 xildhibaan.

Xildhibaanada iyo wasiirada kulanka jooga ayaa ka kooban mucaarad iyo muxaafidba, waxaana soo jeediyey kulanka xubno ay ka mid yihiin Mahad Salaad, Axmed Fiqi, Saabir Shuriye, Khaliif Cabdi Cumar, Xildhibaan Yuusuf Gamaa’diid iyo kuwo kale.

Wasiirada kulanka jooga ayaa waxaa ka mid ah; Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow Ducaale, Wasiirka Ganacsiga Cabdullaahi Cali Xasan, Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Eng. Cabdi Xasan Canshuur, iyo wasiir ku-xigeenka Dekadaha Cusmaan Daallo.

Si kastaba, waxaan kulanka ka baaqday oo lagu casuumay wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Maxamed Sabriye oo la doonayey in wax laga weydiiyo liiska Xildhibaannada Koofur Galbeed, maadaama wasaaraddiisa ay hormuud u tahay dhismaha maamul goboleedyada.

Xildhibaan Mahad Salaad, oo ka mid ah hormuudka kulankan ayaa qoraal uu shalay soo dhigay facebook, markii la shaaciyey xildhibaanada Koonfur Galbeed, waxa uu ku yiri “Madaxweyne Lafta Gareen 9 xildhibaan kaliya ayuu ka siiyay Beel weynta Hawiye ee deggan Bakool ilaa Shabeelada Hoose xildhibaanada cusub Koonfur Galbeed. Markaan xilka joognay xildhibaanadii beeshu lahayd kala bar in ka badan (50%) ayuu meesha ka saaray ee maxay ku mutaysatay beeshu dulmiga intaas la’eg?!”

Waxa uu intaas ku daray “Koley anigu wax kama dhisin waxna lama lahayn Lafta Gareen ee waxaan su’aalay Wasiiradii aan dooranay, durbaankana u tumayay Lafta Gareen markii la dulsaarayay reer Koonfur Galbeed wax ma iska weydiiyeen arintaan. Mise wixii Nabad Nolol ama dhashoodu keento salaan iyo sacabada oo loo tumo mooyee su’aal in laga keeno waa xaaraan?!”

Xildhibaanada iyo wasiirada Hawiye ayaa la rumeysan yahay inay u mideysan yihiin sidii ay arrintan uga dhiidhiin lahaayeen.