Waddani: Xukuumadihii Kulmiye kadib Laascaanood waxay noqotay ‘Sayladii dilka’

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, ayaa ka hadlay dil dhowaan magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ay Rag hubeysani ugu geysteen Taliyihii ciidamada Sirdoonka ee gobolkaasi.

Waddani ayaa sheegay in Falalka amni daro ee ka dhacaya magaalada Laascaanood ay sabab u yihiin Xukuumadihii kala dambeeyay ee xisbiga Kulmiye ee talada Somaliland gacanta ku hayey, isla markaana ay noqotay Laascaanood ‘Sayladii dilka’.

Xisbiga ayaa eedeymahaasi dusha u saaray Madaxweynihii hore ee Somaliland, Axmed Siilaanyo iyo midka hadda talada Haya ee Muuse Biixi, kuwaasi oo ka soo wada baxay Xisbiga Kulmiye.

Waddani ayaa sidoo kale waxa uu Xukuumada Biixi ku dhaliilay inay ka gaabisay in baaris lagu sameeyo dilkaasi, isagoona xusay dilkii kale ee isla magaaladaasi loogu geystay Guddoomiyihii maxkamada gobolka Sool.

“2-dii bishan waxa la dilay Xasan Sheekh Cumar oo ahaa Guddoomiyihii Maxkamadda Gobolka Sool, haddana waxa lagu xigsiiyey Cabdiqani Guhaad Xasan oo ahaa Taliyihii Ciidanka Sirdoonka ee Gobolka Sool, Labada Ilaahay ha u naxariisto” ayuu yiri Cali Axmed Cabdi (Cali Cantar) oo ka mid ah Mas’uuliyiinta xisbiga mucaaridka ah ee Waddani.

Wuxuuna intaas sii raaciyey “Haddii Dawladnimo jirto waa in la tago oo la baadho, oo baadhista hore u joogtay aan ahayn oo xoojin ah la geeyo oo wixii Dilka geystay (la baadho weeyaan)”.

“Illaa Dawladdii Kulmiye siday u dhalatay meeshaasi (Laascaanood) waxay aheyd Saylad Dadka lagu laayo”.