DF oo guullo ka sheegatay howlgal ka dhacay Baay

Baydhabo (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka hadashay howl-gal qorsheysan oo saacadihii lasoo dhaafay ciidamada milatariga dalka Soomaaliya ay ka sameeyeen duleedka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Taliyaha qeybta 60-aad ee ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, General Maxamed Sheekh Cabdullaahi (Ciirow) oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday in howl-galkaasi ay kula wareegeen deegaanka Goofgaduud Shabeeley oo ka tirsan gobolkaasi.

Sidoo kale taliyaha ayaa xusay inay weerarkan ku dileen ugu yaraan 9 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, ayna burburiyeen saldhig ay ku lahaayeen halkaasi.

Ciirow ayaa sidoo kale intaasi ku daray in haatan ku sugan yihiin deegaanka Goofgaduud Shabeeley, isla-markaana ay si wadi doonaan howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Dhanka kale ma jiro weli wax hada ah oo ka soo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howl-galkaas ee ay guullaha ka sheegatay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Xaaladda goobihii lagu dagaallamay ayaa weli kacsan, waxaana dadka deegaanka ay cabsi ka muujinayaan inay markale soo rogaal celiyaan xoogaga Al-Shabaab.

Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa waxaa muddooyinkii dambe ka socday howl-gallo ballaaran oo ay si wada jir ah fulinayaan ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa AMISOM.