Daawo: Guddiga doorashada oo shaaciyey arrin laga cabsi qabo oo ay ka hortagayaan

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka heer federaal Maxamed Xasan Cirro ayaa sheegay in aysan aqbali doonin in doorashada xildhibaanada golaha shacab ay madaxda dowlad goboleedyadu u maamushaan si lamid ah tan golaha Aqalka Sare.

Guddoomiyaha oo wareysi siiyey TV-ga Universal ayaa qiray in cadaalad darro badan ay ka dhacday doorashada golaha Aqalka Sare, balse tan golaha shacabka ay maamulkeeda leeyihiin qabaa’ilka iyo guddiga doorashooyinka.

“Ma aqbali karno hadii la yiraahdo maamulka doorashada golaha shacabka sidii tan Aqalka Sare madaxda maamul goboleedyada gacanta haloo geliyo, bulshada Soomaaliyeed-na ma aqbali karto,” ayuu yiri Guddoomiye Cirro.

Waxa uu qiray in doorashadu ay macno ku leedahay in kursiga loo tartamo oo cod lagu kala adkaado.

“Doorasho waxaa la dhihi karaa madaxweynaha maamul goboleedkaas jooga qofka uu necebyahay in uusan ka reebi karin doorashada, laakiin ma soconeyso qofkii aan rabo ayaa soo baxaya, kii aan doonana waan ka reebayaa doorashada dhan,” ayuu yiri.

Maxamed Cirro waxa uu intaas ku sii daray, hadii aysan arrintaas meel adag ka istaagin ka guddi ahaan, inuu aaminsan yahay in dalka dhan ay u hor-seedi karto khatar weyn, oo jiritaankiisa ay wax u dhibi karto doorashada oo la boobo.

“Soomaaliya inay saan ahaato waa wax doorasho ku yimid, in la dilo madaxweynihii hore Cabdirashiid Cali Sharma’arke waxaa sabab u ahaa qalad doorasho ka soo bilaawday, waxaan aaminsanahay mar kasta oo aan ogolaano in wax la is daba mariyo oo doorashada la gacma-gacmeysto, inaan khatar gelineyno jiritaanka Soomaaliya,” ayuu yiri Maxamed Cirro guddoomiyaha guddiga doorashooyinka qarnka.

Hoos ka daawo