Magaalada Jowhar oo markale wajaheysa xaalad adag

Jowhar (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in markale xaalad adag ay soo wajahday dadka ku nool magaalada Jowhar ee caasimada dowlad goboleedka HirShabelle, taas oo la xiriirta fahataada wabiga Shabelle.

Wabiga ayaa lagu soo warramayaa inuu haatan fatahaad hor-leh ka geystay deegaano hoostaga magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe.

Deegaanada uu wabiga ku fatahay oo dhaca koonfur bari ee Jowhar ayaa waxaa ka mid ah deegaanada Bayaxow iyo Boodaale ee gobolkaasi.

Dadka deegaanka oo beeraley u badan ayaa waxaa ka soo yeereyso qeylo dhaan xoogan, iyaga oo dalbanaya in loo fidiyo gurmad deg deg ah, si looga hortego fatahaadda wabiga.

Sidoo kale wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Maamulka Hr-Shabelle oo war kasoo saartay xaaladaha soo kordhay ayaa ugu baaqday dadka shacabka ah ee deggan deegaanada uu wabiga kiu fatahay iyo kuwa ku nool magaalada Jowhar inay sameeyeen feejignaan dheer.

Wasaaradda ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in HirShabelle ay haatan wado dadaallo xoogan oo looga hortegayo saameynta fatahaadda wabiga Shabelle ee Shabeelaha Dhexe.

Jowhar oo dhowaan ay ka dhaceyso doorashada Aqalka Sare ayaa haatan waxaa ka taagan cabsi la xiriirta fatahaadda oo markale go’doon hor leh gelin karta magaaladaasi.

Fatahaadda wabiga Shabelle ee magaalooyinka Beledweyne iyo Jowhar ayaa soo noq-noqatay, waxaana saameynta ugu daran ay kasoo gaartaa beeraleyda & ganacsatada.