Guudlaawe oo loo ogolaaday inuu tago Beledweyne – Xog

Beledweyne (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in siyaasiinta iyo dhaqanka Beesha Xawaadle ogolaadeen in Madaxweynaha Maamulka HirShabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen “Guudlaawe” ay uu tago magaalada Beladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan, islamarkaana ay la shaqeeyaan.

Kulamo maalmahaan ka socda Muqdisho ayaa hada u wareegay Beladweyne, waxaana la filayaa in odoyaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta soo bandhigaan waxyaabaha ay kula heshiin karaan Madaxweyne Cali Guudlaawe kadibna loogu yeero magaalada Beladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan.

Siyaasiinta Xawaadle ayaa is tusay in Cali Guudlaawe uu haysto sharciyad iyo muddo xileed uu ku shaqeeyo, islamarkaana haddii ay sii diidaan ay ku waayi karaan waxyaabo badan oo ay xaq u lahaayeen gobal ahaan, iyo in dhallinyarada ku sugan duleedka Beladweyne aysan sii joogi karin banaanka magaalada.

Xildhibaano iyo siyaayisiin beesha Xawaadle u dhashay ayaa Sabtidii gaaray Beladweyne, iyadoo ay halkaas ay ka billowdeen kulamo ay la qaadanayaan dadka degaanka iyo Ugaaska Beesha Xawaadle, iyadoo la filayo in dhowaan ay soo saaraan in magaalada loo ogolaaday Cali Guudlaawe.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa dhowr jeer ku hunguubay in uu tago Beladweyne, waxa uuna u arkaa tagitaankiisa gobalka Hiiraan arrin muhiim u ah shaqsiyaadiisa maadaama uu la daala dhacayay eedo iyo dacaayado ka dhan oo ku aadan tagistiisa Beladweyne.