Video: Jeneral Indha-Cadde oo weerar culus ku qaaday madax goboleedyada dalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Jeneraal Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacadde ayaa si adag uga hadlay hanaanka loo maamulayo doorashada golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya ee ka socota gobollada dalka, isagoo aad u dhaliilay madaxda dowlad goboleedyada, fariin culusna u diray.

Indhacadde ayaa wax aan la qaadan karin oo ceeb ku ah qaranimada Soomaaliya ku tilmaamay doorashooyinkii ka dhacay xarumaha dowlad goboleedyada, isagoo madaxda Soomaalida u soo jeediyey inay Allaah ka cabsadaan oo sidaan ay wax ka bedelaan.

“Sidaan aad u dhaqmeysaan, hadaa ku sii socotaan Kaankare umadda Soomaaliyeed ku yaalla ayaa tihiin, war ilaahey ka baqa, sidaa u dhaqanteen qof masuul ah oo og in Allaah uu la xisaabtamaayo uma dhaqmo,” ayuu yiri Indhacadde.

Sidoo kale waxa nasiib darro ku tilmaamay in madaxda Soomaalida aysan casharro ka baran dhibaatadii uu dalku ku soo jiray 30-kii sano ee lasoo dhaafay.

“Dhaqan waxaa la timaadeen aan horay loo arkin, waligey ma arkin, mana maqal waxa dhacay, 11-kii kursi ee aad sida khaaska ah u maamuleyseen sida aad u dhaqdeen waan u jeednaa, umadda Soomaaliyeed kuma faraxsana, ilaahey hadin soo hanuuniyo,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Jeneraal Indhacadde.

Hoos ka daawo