DF Soomaaliya oo maanta soo saartay digniin cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo saartay digniin cusub oo ka dhan ah duufaano la sheegay inay kusoo fool leeyihiin deegaano ka tirsan Waqooyiga Soomaaliya.

Wasaarada gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Soomaaliya ayaa qoraal digniin ah oo ay maanta soo saartay ku sheegtay in laga soo bilaabo maalintii khamiistii ay bilowdeen curashada dabeylaha ‘Taroobikaalka’ oo ka abuurmay aaga cirifka Waqooyi ee badweynta Hindiya.

Wasaarada ayaa si adag ugu digtay dadweynaha iyo kalluumeysatada deegaano ka tirsan waqooyiga Soomaaliya gaar ahaan kuwa Puntlanad, iyadoona xustay in duufaantaasi ku socoto xawaare u dhaxeeya 95 ilaa 110-KM saacadiiba.

Waxa sidoo kale wasaaraddu sheegtay in dabeylahaan oo aad u xoogan ay maanta ku wajahan yihiin jihada waqooyi Bari ee dalka, gaar ahaan dhinaca dhulka Bari ee dhaca Xeebta u dhaxeysa labada Magaalo ee Boosaaso & Xaafuun ee gobolka Bari, inta u dhaxeyso 4:00 galabnimo ilaa 8:00 Fiidnimo ee caawa, sida ay sheegtay wasaaradda.

“Saameynta duufaantan ayaa waxa la saadaalinayaa inay bilaaban doonto saacadaha soo socda, iyadoo halista ugu badana ay wajahayaan degmooyinka kala ah Xaafuun, Isku-shuban, Boosaaso iyo deegaano kale oo kamid ah” ayaa lagu yiri qoraalka.

Waxa kale oo lagu yiri “Dowladda Soomaaliya waxa ay si gaar ah ugu digeysaaa dhamaan Bulshooyinka kala duwan sida, Kalluumeysatada iyo dadka ku dhaqan hareeraha Xeebaha inay ka digtoonaadaan khataraha kusoo wajahan dhulka Xeebaha ah, waxaana ay ugu baaqeeysaa maamulada degaannada laga cabsi qabo inay duufaanta saameyso iyo dhamaan Hay’adaha gargaarka inay u diyaar garoobaan xaaladaha soo cusboonadaay, taageerana u muujiyaan bulshada ku nool degaannadaas”.

Waxay cabsida ugu weyn ee duufaantan ay sababi karto ku sheegtay Wasaarada gargaarka iyo maareynta musiibooyinka, bur-bur hantiyeed oo ku yimaada Guryaha, deegaanada Xeebta dhaca, doonyaha kalluumeysiga iyo kuwa ganacsigaba.