Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa ka hadashay xaaladda ka taagan dalka Suudaan oo weli ay ka socdaan dagaallo u dhexeeya ciidamada milatariga iyo kuwa RSF oo isku adeegsanayo hub culus.
Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa waxaa ugu horreyntii walaac xooggan looga muujiyay weerarrada joogtada ah ee ciidamada RSF ay ku qaadaan xarruumaha dowladda iyo rayidka ee ku yaalla magaalooyinka Kasala iyo Port Sudan.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay in weeraradani ay sababi karaan dhibaatooyin dhaqaale iyo kuwa amni oo la xiriira xaaladda Suudaan.
Sidoo kale, Soomaaliya ayaa sheegtay in ay diidan yahay in la waxyeeleeyo mustaqbalka Suudaan, gaar ahaan dhaqaalaha dalkaas oo hadda sii liicaya.
“Weerarada noocan ah, waxaa ay halis ku yihiin kana hor imaanayaan shuruucda Caalamiga ah, waan diidanahay in la dhaawaco ilaha dhaqaalaha Suudaan” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.
Dhanka kale, Dowladda Federaalka ayaa farriin u dirtay beesha caalamka iyo dalalka gobolka, waxayna ugu baaqday in dadaalkooda ay isugu geeyaan sidii loo heli lahaa xal nabadeed oo dhameystiran, iyadoo loo marayo wadahadal nabadeed oo loo dhan yahay.
“Waxaan ugu baaqaysaa bulshada caalamka iyo tan gobolka inay kordhiyaan dadaallada diblomaasiyadeed si loo soo afjaro colaadda, loogana gudbo xaaladda jirta iyadoo la marayo wadahadal nabadeed oo dhameystiran” ayaa mar kale lagu yiri bayaanka.
Hadalkan kasoo yeeray Dowladda Soomaaliya ayaa kusoo aadayo, xilli saacadihii ugu dambeeyay qaraxyo xooggan laga maqlay aagga magaalada Port Sudan, kadib markii ciidanka RSF ay beegsadeen garoonka diyaaradaha iyo dekadda magaaladaasi.
Si kastaba, Soomaaliya ayaa xiriir wanaagsan laleh Suudaan oo horay dadka Soomaaliyeed taageero wayn ugu fidisay, gaar ahaan dhanka wabxarashada, waxaana sidoo kale jira xiriir ganacsi oo wayn oo ka dhexeeya labada dal.