Islamabad (Caasimada Online) – Hindiya ayaa Arbacadii ku dhawaaqday in ay fulisay “weerarro si gaar ah loo bartilmaameedsaday” oo ka dhan ah xeryo argagixiso oo ku yaalla gudaha Pakistan iyo dhulka Kashmir ee ay Pakistan maamusho, maalmo kadib markii ay New Delhi ku eedaysay Islamabad weerar dhimasho sababay oo ka dhacay dhanka Hindiya ee gobolka lagu muransan yahay.
Khilaafka muddo dheer u dhexeeyay labada dal ee deriska ah isla markaana haysta hubka nukliyeerka ayaa si lama filaan ah sare ugu kacay. Diyaarado dagaal ayaa waaberigii Arbacada dul maray buuraleyda Himalaya, iyadoo qaraxyo laga maqlay agagaarka xuduudda lagu magacaabo “Line of Control.”
“Dhowaan, ciidamada qalabka sida ee Hindiya waxay bilaabeen ‘Hawlgalka SINDOOR’, iyaga oo beegsaday xarumo argagixiso oo ku yaalla gudaha Pakistan iyo dhulka Jamuu & Kashmir ee ay Pakistan maamusho—meelo laga abaabulo weerarrada lagu beegsado gudaha Hindiya,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay dowladda.
Ciidanka Hindiya ayaa muuqaal ay ku baahiyeen barta X ku sheegay in “cadaalad la helay,” iyadoo dowladda ku dartay in tallaabadoodu ahayd “mid si bartilmaameedsan u fulay, xadidan, isla markaana aan kicin xaaladda.”
Bayaanka ayaa intaas ku daray: “Wax xarumo milatari oo Pakistani ah lama beegsan.” Dowladda Hindiya ayaa sidoo kale sheegtay in ay si taxaddar leh u xulatay bartilmaameedyada iyo habka weerarka.
Qaraxyo xooggan ayaa laga maqlay magaalada Poonch, oo 16 kiiloomitir u jirta xuduudda, halkaas oo New Delhi ku eedaysay Pakistan in ay madaafiic kasoo tuurtay dhanka kale ee xuduudda.
Diyaaradaha dagaalka ee Hindiya ayaa laga maqlay iyaga oo dul maraya magaalada Srinagar, caasimadda Kashmir ee ay Hindiya maamusho. Qaraxyo kale ayaa laga maqlay deegaanka Wuyan, oo dhowr kiiloomitir u jira saldhigga milatari ee Srinagar.
“Pakistan mar kale ayay jebisay heshiiskii xabbad-joojinta, iyadoo madaafiic ku garaacday deegaanka Bhimber Gali ee gobolka Poonch-Rajouri,” ayaa lagu yiri qoraal ciidamada Hindiya ay soo dhigeen X.
Ciidamada ayaa intaas ku daray in ay “si xisaabsan oo habeysan uga jawaabayaan weerarrada.”
Ra’iisul Wasaaraha Pakistan, Shehbaz Sharif, ayaa sheegay in dowladdiisu ka jawaabeyso weerarrada Hindiya, inkastoo uusan bixin faahfaahin dheeraad ah. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa xaaladda ku tilmaamay “mid laga xumaado,” isaga oo rajo ka muujiyay in xiisadda “si dhakhso ah u dhammaato.”
Dowladda Punjab, oo ah gobolka ugu dadka badan Pakistan, ayaa ku dhawaaqday xaalad degdeg ah, sida uu sheegay madaxa gobolka. Isbitaallada iyo adeegyada degdegga ah ayaa la geliyay heegan buuxa.
Xiriirka labada dal ayaa si xowli ah hoos ugu dhacay, kadib markii koox hubeysan ay bishii hore dileen 26 qof oo badankood ahaayeen dad Hindu ah, weerar ka dhacay Kashmir ee ay Hindiya xukunto.
Labo maalmood kaddib weerarkaas, ayaa xabbad isweydaarsi ay ka bilowdeen daaqsin u dhow deegaanka Pahalgam ee dhulka ay Hindiya maamusho.
New Delhi ayaa Pakistan si toos ah ugu eedaysay taageerada weeraryahannada, balse Islamabad ayaa si adag u beenisay. Labada dal ee awoodda nukliyeerka leh ayaa habeen walba rasaas is-weydaarsanayay tan iyo 24-kii April, iyadoo dagaal ku dhex marayay xuduudda aan si rasmi ah loo aqoonsanayn ee Kashmir.
Labada dhinac ayaa sidoo kale qaaday tallaabooyin ciqaabeed oo diblomaasiyadeed—oo ay kamid tahay kansalka fiisayaashii ay muwaadiniinta midba midka kale siin jireen.
Hindiya iyo Pakistan ayaa hore u galay laba dagaal iyo dagaallo yaryar oo salka ku haya muranka ku saabsan gacan ku haynta gobolka buuraleyda ah ee Kashmir.
Ra’iisul Wasaare Narendra Modi ayaa Talaadadii ku hanjabay in biyaha ka soo qulqula Hindiya ee gala dalalka deriska ah, oo Pakistan ay kamid tahay, la joojin doono—wax yar uun kadib markii dowladdiisu hakisay heshiis biyo-wadaag muhiim ah oo ay la lahayd Islamabad.