DF Soomaaliya oo qoraal xasaasi ah u gudbisay QM

New York (Caasimada Online) – Danjiraha Qaramada Midoobay u fadhiya Soomaaliya Amb. Abuukar Daahir Cismaan Baalle ayaa faahin dheeraad ah ka bixiyey qoraal xasaasi ah oo ay dowladda fedraalka ah u gudbisay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Baalle oo wareysi siiyey BBC-da ayaa sheegay in dowladda federaalka ay u gudbisay QM qaraar ku aadan in la kala diro guddiga ka hortagga burcadbadeeda Soomaalida

Danjiraha ayaa sheegay in seddexdii sano la soo dhaafay aan xeebaha dalka laga diwaan galinin hal kiis oo afduub ah, islamarkaana laga maarmo guddigaasi.

“Seddexdii sano ee la soo dhaafay xeebaha Soomaaliya lagama diiwaan galin kiis afduub burcadbadeed, taasi badelkeeda dowladda Soomaaliya waxa ay u aragtaa in laga maarmo guddiga, isla markaana loo baahan yahay in dib -u-eegis lagu sameeyo,” ayuu yiri Danjiraha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Abuukar Daahir Cismaan Baalle.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ka dowlad ahaan ay ka go’an tahay sidii looga hortagi lahaa maraakiibta shisheeye ee sida sharci darrada ah uga  alluumeysta biyaha Soomaaliya iyo sidoo kale kuwa wasaqda ku daadiyo biyaha badda Soomaaliya.

“Dowladda Soomaaliya waa ka go’antahay ka hortaga kalluumeysiga sharcidarada iyo Maraakibta shisheeye ee wasaqda ku shubayo biyaha badeenna iyo sidoo kale inay muujiso awoodda qaadista dacwadaha ka dhasha dambiyada ka dhacda badda Soomaaliya gaar ahaa burcad badeedda iyo kuwa kale ee sharci darrada ah,” ayuu markale sii raaciyey.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo ay haatan muuqato in la wiiqay awoodii kooxaha burcadbadeeda ee weerarada afduubka ah ka geysan jiray xeebaha Soomaaliya