QORSHE lagu dadajinayo doorashada oo socda iyo wararkii ugu dambeeyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga hirgelinta doorashooyinka dadban ee dalka ee weli lagu muransan yahay, islamarkaana shalay doortay guddoomiye iyo guddoomiye xigeen ayaa haatan wada qorshe lagu dadajinayo doorashada soo socota ee 2020/20-ka.

Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in haatan guddigu ku howlan yahay soo saarista jadwal cusub oo ku aadan doorashda iyo sida loo wajahayo, maadaama maamul goboleedyada qaar aysan weli soo magacaabin guddiyada doorashada 20/21.

Sidoo kale guddiga ayaa wada abaabul xoogan oo ku aadan sidii doorashada aqalka sare looga qaban lahaa, ka hor inta aysan dhimaan bishaan Koonfur Galbeed Soomaaliya, HirShabelle, Galmudu iyo Muqdisho oo lagu dooranayo xubnaha gobollada waqooyi.

Dhinaca kale madaxweynaha Soomaaliya oo maanta qoraal soo saaray ayaa shaaca ka qaaday in la dadajin doono doorashada, si ay ugu dhacdo waqtigii loo asteeyey.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ugu baaqay maamullada Jubbaland iyo Puntland in ay soo magacaabaan guddiyadooda doorashada ee heer dowlad goboleed ee dalka.

Arrimahan ayaa ku soo aadaya, iyada weli halkiisii uu yahay walaaca ay musharraxiinta mucaaradka ka muujinayaan guddiyada lasoo magacaabay, balse Villa Somalia ayaa u muuqata mid dhagaha ka fureysatay dhawaqa ka soo yeeraya midowga musharaxiinta.