DP World oo jawaab kulul ka bixisay arrintii uu Geelle ka sheegay dekedda Berbera

Hargeysa (Caasimada Online) – Shirkadda  DP world ee gacanta ku haysa dekedda Berbera ee Somaliland ayaa markii u horeysay si adag uga jawaabtay eedeymo uu dhawaan u jeediyay madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, kaasi oo ku aadana maal-gashiga dekadaas.

Madaxweyne Geelle ayaa hore u sheegay inaysan DP World wax horumar ah ka sameyn dekedda Berbera, isla markaana ay curyaamisay, midaasi oo ay shirkadu waxba kama jiraan ku tilmaamtay, iyada oo sheegtay inay meel fiican mareyso horumarinta dekeddu.

War-saxaafadeed kasoo baxay DP World oo soo gaaray Caasimada Online, ayaa waxa lagu sheegay inaysan waxba ka jirin hadalada Geelle, oo ay ku tilmaameen been abuur iyo aragti aan macquul aheyn.

“Sheegashada Madaxweynaha ee ah inaanu jirin wax horumar ah oo ka socda dekedda Berbera waa been abuur aan ku salaysnayn aragtida macquulka ah ee madaxweynaha” ayaa lagu yiri qoraalka ay soo saartay DP World.

Waxa kale oo lagu yiri qoraalkaas “DP world waxa ka go’an inay ku maal-geliso 442-Milyan oo dollar horumarka dekedda Berbera, waxaana dhammaaday 70%  ka mid ah, waxaanay kor u qaadi doontaa awoodda 500,000 TEUs sannadkiiba”

Ugu dambeyntiina waxay DP World ku dooday in bishii August ee sannadkan ay dhamaystirtay 400M oo cusub oo lagu kordhiyay terminaalka cusub ee koontiinarada, waxaana la filayaa in dhismaha terminalkan la dhammaystiro bisha March ee sannadka soo socda.

Madaxweyne Geele oo dhawaan waraysi siiyey wargeyska The Africa Report, ayaa wuxuu sheegay inaanu jirin wax horumar ah oo ay DP World ku samaysay dekedda Berbera, isagoona xiligaas eedeymo culus u jeediyay shirkada.