DF Soomaaliya oo si lama filaan suuq-gayn bilaash ah ugu sameysay Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii uu billowday kacdoonka dagaal ee ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa waxay dowladda qaadeyso tallaabooyin kala duwan oo lagu xoojinayo dagaalka lagula jiro argagixisada.

Go’aamada dowladda federaalka Soomaaliya oo badankooda ka dhanka ahaa Al-Shabaab ayaa haddana waxa uu go’aankii u dambeeyay ee Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknolojiyada ku xayirtay Warbaahinta Internet-ka Al-Shabaab ka dhalatay saameyn aan wanaagsaneyn.

Wasaarada ayaa baahisay warqad oo si toos ah ugu socotay shirkadaha bixiya adeega internet-ka, waxaana ku lifaaqna magacyada mareegaha ay isticmaasho Al-Shabaab, kuwaasi oo inta badan bulshada Soomaaliyeed aysan badankooda hore u aqoon.

Shaacinta magacyada mareegaha warbaahineed ee Al-Shabaab ayaa waxay fallan-qeeyayaasha rumeysan yihiin in uu ahaa go’aan lagu deg degay, islamarkaana suuq-gayn lacag la’aan ah u noqday argagixisada.

Waxay qabaan fallan-qeeyayaashu inay aheyd in dowladda ay bulshada la socodsiiso kaliya in la xiray mareegihii warbaahineed ee Al-Shabaab, si hoose-na ay magacyada mareegahaasi ugu gudbiso shirkada ay ku amreysay xayiraadooda.

Dhinaca kale, dhammaan barahaas ayaa ka xiran kaliya Soomaaliya, waxaana laga aqrisan karaa caalamka oo idil, waxana suurta-gal ah in tallaabadii ay qaaday dowladda ay barahaas bartay dad badan oo qurbo-joog ah.

Waxaa la gudboon dowladda inay si aad ah ugu fiirsato, ayna dhinacyo badan ka eegto saameynta ka dhalan karta go’aamada ay soo saareyso, maadama uu dalka u jiheystay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.

Waxba kuma jabna go’aanka lagu xiray barahaas, balse in magacyadooda la faafiyo ayaa laga wanaagsanaa.