DF oo shaacisay khasaaraha Al-Shabaab lagu gaarsiiyey DAGAALKII Yasooman

Beledweyne (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay dagaal maanta ka dhacay deegaanka Yasooman oo hoostaga degmada Buuloburde, kaas oo u dhexeeyey ciidamada huwanta iyo xoogaga Al-Shabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa guullo ka sheegatay dagaalkan oo yimid, ka gadaal markii ay kooxda Al-Shabaab weerar ku qaadeen fariisimo ciidan ku yaalla halkaasi.

Qoraalka kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in ciidamada Xoogga ay hayeen xogta Al-Shabaab, kadibna ay ka hortegeen weerarka, ayna ku dhufteen dharbaaxo kulul.

“Ciidanka Qaranka oo kaashanaya dadka deegaanka siina hayay xogta abaabulka weerarka Kooxda khawaarijta ah ayaa ka hortagay weerarka nafla caariga ah waxaana ay ku dhufteen dharbaaxo kale oo xooggan oo ay adkaan doonto in ay ka soo kabtaan nabad diidka,” ayaa lagu yirio warsaaxaafadeedka ka soo baxay dowladda federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale waxa ay shaacisay in dagaalkan ay ku dishay illaa 20 ka tirsanaa Xoogaga Al-Shabaab, dhankeedana ay ka dhinteen saddex askari, sida ay hadalka u dhigtay.

“Inta lagu jiray hawlgalka ciidankeena geesiyaasha ah waxaa ka shahiiday 3 askari, kooxihii khawaarijta ee weerarka soo qaadayna waxaa ay ka carareen meydadka dhalinyaradii ay soo qaldeen,” ayaa markale lagu yiri warsaxaafadeedka ka soo baxay dowladda federaalka.

Yasooman ayaa ka mid ah deegaanadii u dambeeyey ee la gala wareeygay kooxda Al-Shabaab, kadib howlgallo culus oo ka dhacay gobolka Hiiraan.

Muddooyinkii u dambeeyey ayaa waxaa aad u kordhay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socdo gudaha dalka, kuwaas oo looga qabsaday deegaano horleh.