Madaxweyne Museveni oo sheegay arrin uu sameynayo kadib booqashadii Xasan

Kampala (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda Uganda Yoweri Museveni oo dhowaan wadahadallo la yeeshay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku tegay Kampala ayaa ku dhowaaqay taageero cusub oo ay dowaddiisa siineyo Soomaaluiya.

Museveni oo ka warbixinayey wadahadalladii uu la yeeshay dhiggiisa Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladdiisa ay siin doonto Soomaaliya qalab milatari oo dheeri ah.

Madaxweynaha Uganda ayaa tilmaamay inay muhiim tahay wax ka qabashada amniga Soomaaliya iyo caqabadaha heysta dowladdda federalka oo uu ugu horreyso Al-Shabaab.

“Waxaan ku siin doonaa qalab dheeraad ah si aad wax uga qabato xaaladda amniga. Waxaa gobolku ka shaqayn karaa bixinta qalab,” ayuu yiri Yoweri Museveni.

Sidoo kale wuxuu ku baaqay in diiradda la saaro dib u dhiska ciidamada Xoogga dalka, si ay u hantaan amniga dalka oo dhan.

“Waa in aad leedahay qorshe aad ku dhiseyso ciidan qaran. Shacabku waa inay dhistaan ciidankooda si ay isu difaacaan,” ayuu sii raacyey madaxweyne Yoweri Museven.

Uganda ayaa Soomaaliya ka caawisa dhanka milatariga, waxayna ciidamo badan oo qayb ka ah howlgalka ATMIS haatan ka joogaan Soomaaliya, kuwaas oo la dagaala Al-Shabaab.

Ballan-qaadka uu haatan u sameeyey Yoweri Museveni dowladda Soomaaliya ayaa ku soo aadayo kadibn laba safar oo is xig-xigay uu Xasan Sheekh Maxamuud ku tegay Kampala.