Itoobiya oo qaaday tallaabo muhiim u ah Soomaaliya

Addis Ababa (Caasimada Online)Soomaaliya ayaa taageero u helaysa ololaheeda ku aaddan in cunaqabateynta hubka laga qaado, kadib markii Itoobiya ay ku biirtay Uganda oo hore u taageertay tallaabadaas.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa in bisha November ay u codeeyaan dib u cusboonaysiinta xayiraadda qeyb ka mid ah, taasi oo ay Soomaaliya sheegtay in laga saaro si ay si wanaagsan ula dagaallamaan argagixisada Al-Shabaab.

Taageerada Itoobiya ayaa timid kadib markii bishii July ay xooggaga Al-shabaab gudaha u galeen dalka Itoobiya, xilli ay Soomaaliya iyo xulafadeeda ka wadeen duullaan ballaaran oo ka dhan ah ururkaasi.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay inay tahay in la qaado cunaqabateynta soddonka sano ah ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, si Soomaaliya ay si wanagsan ula dagaalanto kooxda xagjirka ah ee Al-Shabaab.

Soomaaliya ayaa ugu baaqday dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika bishii July inay taageeraan ololahooda ku aaddan qaadista cunaqabateynta, taas oo ay ku jiraan hubka iyo gaadiidka dagaalka ee laga mamnuucay Soomaaliya.

Kooxda cilmi-baarista amniga ee Hiraal Institute ee fadhigeedu yahay Soomaaliya ayaa warbixin ay soo saartay bishii February ku sheegtay in cunaqabateynta hubka ay ku guuldareysatay inay ka hortagto Al-Shabaab oo soo galiya hub aan loo oggoleyn ciidamada federaalka in ay iibsadaan.

Samiira Gaid oo ka tirsan machadkan ayaa sheegtay in awoodda Soomaaliya ay tahay mid xaddidan, maadaama ay u baahan tahay oggolaansho ay ka hesho Qaramada Midoobay, gaar ahaan xubnaha Golaha Ammaanka si ay u iibsato hubka qaarkiis.

Waxa ay Samiira sheegtay in Al-shabaab ay si sharci darro ah hubka uga soo iibsadan ama uga soo galiyaan Yemen iyo suuqyada guda, laakiin awoodda dowladda ee soo iibsashada hubka ay xaddidad tahay.

Inkastoo oo xayiraadaha saaran yihiin Soomaaliya, haddana ciidamada Soomaaliya iyo xulafadooda ayaa guulo ka gaarayay maleeshiyaadkan.

VOA