DF Soomaaliya oo Somaliland gaarsiisay $12.7 milyan

Muqdisho (Caasimada Online) – Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay maanta guddiga gurmadka suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa u dirtay lacag dhan 12 milyan iyo 700 kun oo dollar, sida uu bartiisa twitter-ka ku sheegay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed.

Lacagtan ayaa iskugu jirta 11 milyan iyo 700 kun oo ah lacag loogu talo-galay barnaamijyada horumairnta Somaliland oo ay horey u haysay dawladda Soomaaliya, iyo 1 milyan oo dollar oo ay bixisay dowladda federaalka.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa 3-dii April amray in si deg deg ah loo fasaxo lacag dhan $ 11,700,000 (Kow iyo Toban Milyan iyo Toddobo Boqol oo Kun oo Doollar) oo ku jirta xisaabta dowladda Soomaaliya, laguna wareejiyo Somaliland

Lacagtaas ayaa ah deeq caalami ah oo loogu talogalay mashaariicda horumarinta Somaliland, oo ay haysay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, sida uu sheegay xafiiska Rooble. 

Waxaa lacagtaas lagu xoojin doonaa howlaha gurmadka ee looga jawaabayo masiibadii ka dhalatay dabkii baabi’iyay suuqa weyn ee magaalada Hargeysa.

Isla maalinkaas xukuumadda Soomaaliya iyo ganacsatada gobolka Banaadir ayaa noqonaya noqonaya kuwii garabkii ugu horeeyay ee ku dhawaaqa taageero dhaqaale oo dhan 3 milyan dollar inay sida ugu dhaqsaha badan u geyn doonaan magaalada Hargeysa.

Madaxwenaha Somaliand Muuse Biixi Cabdi ayaa isaguna maanta jeediyey baaq caalami ah oo ku codsanayo lacag dhan 2 bilyan oo dollar oo lagu gargaaro 5 kun oo ah goobo ganacsi oo yaryar, kuwo dhexe iyo kuwo waaweyn oo uu saameeyey dadbkii baabi’iyey suuqa Waaheen.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa sheegay in dabkaasi uu si toos ah iyo si dadban u saameeyey qoys kasta oo ku nool magaalada Hargaysa.

Dabkan ayaa kacay Bishan April 1-deedii, waxaaa uu baabi’iyey suuqa.