Garab ka mid ah guddiga FEIT oo ka horyimid in lagu noqdo doorashada afar kursi

Muqdisho (Caasimada Online) – Garab kamid ah guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa si adag uga horyimid warqadii goor sii horeysay uu soo saaray guddoonka guddiga, taasi oo lagu sheegay in dib loogu celinayo doorashada Afar kursi.

Kuraasta ayaa kala ah HOP#154, HOP#103, HOP#204 iyo HOP#086, waxaana dib u celinta doorashadooda lagu sheegay si loo saxo habraacii qaldamay, kadib markii ay cabashooyin ka yimaadeen oo la xaqiijiyay in habraac qaldan lagu doortay shaqsiyaadka kusoo baxay.

Xubnaha kamid ah Guddiga ee ka horyimid tallaabadaan, ayaga oo warqada lagu baahiyay barta rasmiga ah ee Guddiga FEIT ay ku tilmaameen waxba kama jiraan.

Sidoo kale waxay ku doodayaan xubnahaan in hore guddiga uu go’aan aqlabiyad ah ku fasaxay afarta kursi, markay taariikhdu ahayd 4-ta bishaan.

“Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal wuxuu aad uga walaacsan yahay hab-dhaqanka beegsiga ah deegaan doorashooyin gaar ah, taas oo keeni karta xasilooni daro
iyo dib u dhac ku yimaada dhameystirka hannaanka doorashada xildhibaanada baarlamaanka,” ayaa lagu yiri qoraalka ay soo saareen xubnaha difaacaya kuraastaas.

Ugu dambeyntiina waxay si adag uga digeen in magaca Guddiga loo adeegsado dano shakhsi ah, laguna marin habaabiyo bulshada, si loo carqaladeeyo habsami u socodka dhameysirka doorashada dalka.

Ra’isul Wasaare Rooble ayaa horey ugu digay xubno ka tirsan guddiga oo uu sheegay inuu xilka ka qaadi doono haddii aanay joojin wax uu ugu yeeray fowdada, kuwaas oo kala ah; Yuusuf Cabdikheyr Cabdinuur, Cabdinaasir Maxamed Guuleed, Cabdijabbaar Cabdullaahi Faarax, Axmed Aadan Dagaal iyo Sacdiyo Xasan Xuseen. 

Kuraasta uu goor sii horeysay shaaciyay guddoonka guddiga in doorashadooda dib loogu celinayo ayaa waxaa kamid ah kursiga uu hore ugu fadhiyay Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Prof Jawaari iyo midka Fahad Yaasiin oo hadda ah La-taliyaha amniga qaranka madaxweyne Farmaajo.

Arrintan ayaa banaanka usoo saareysa khilaafka xoogeystay ee guddiga FEIT oo u kala jabay labo garab, waxayna kusoo aadeysa xili uu dhawaana Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble digniin kama dambeys ah siiyay 5 xubnood oo ka tirsan guddiga.